Monday 28 November 2011

Xarakada Al-shabaab oo 16 hay'ado Samofal ah ka joojiyay shaqooyinkii ay ka hayeen gobollada ay ka taliso

X



Isniin, November 28, 2011 (HOL) − Xarakada Al-shabaab oo ka talisa gobollo badan oo Soomaaliya ku yaalla ayaa maanta ka joojisay 16 hay'adood oo kuwa gargaarka ah shaqooyinkii ay ka hayeen gobollada ay ka taliyaan, sida lagu sheegay war ay saxaafadda ugu talogaleen oo Isniinta maanta ah ay soo saareen.
Warsaxaafadka oo kasoo baxay xafiiska xafiiska la socodka haya'daha ajnabiga ah ee Xarakada Al-shabaab oo marka lasoo gaabiyo loogu yeero (OSAFA) ayaa lagu sheegay in baaris hal sano socotay oo hay'adaha lagu hayay ay go'aansadeen inay maanta oo Isniin ah ka joojiyeen howlihii ay ka haleen Soomaaliya.
Hay'adaha shaqooyinka laga joojiyay ayaa waxay isugu jiraan hay'adaha Qarammada Midoobay, kuwo reer galbeed ah iyo hay'adda Saacid oo Soomaali ah. Waxayna kala yihiin:
  1. Office of the United Nations High Commissioner for Refugees (UNHCR)
  2. World Health Organisation (WHO)
  3. United Nations Children’s Fund (UNICEF)
  4. United Nations Population Fund (UNFPA)
  5. United Nations Office for Project Services (UNOPS)
  6. Food Security and Nutrition Analysis Unit (FSNAU)
  7. Norwegian Refugee Council (NRC)
  8. Danish Refugee Council (DRC)
  9. Concern
  10. Norwegian Church Aid (NCA)
  11. Cooperazione Internazionale (COOPI)
  12. Swedish African Welfare Alliance (SAWA)
  13. German Agency For Technical Cooperation (GTZ)
  14. Action Contre la Faim (ACF)
  15. Solidarity
  16. Saacid
Xarakada Al-shabaab ayaa hay'adaha ay shaqooyinka ka joojisay ku eedeysay inay qaarkood isticmaalaan xogo aan sax ahayn oo ku saabsan howlaha ay qabteen iyo sidoo kale xogo ku saabsan dadka ku nool deegaannada ay howlaha ka qabteen oo aan sax ahayn.

Sidoo kale, waxaa hay'adaha lagu eedeeyay inay wakiillo u yihiin kaniisado, ayna gudbiyaan warar ka dhan ah muslimiinta, gaar ahaan mujaahidiinta. Iyagoo sheegay inay caawiyaan kuwa doonaya inay burburiyaan ismaamulka shareecada Islaamka.
Hay'adahan ayaa eedeymaha loo jeediyay waxaa sidoo kale ka mid ah inay ka shaqeynayaan sidii la isaga horkeeni lahaa beelaha Soomaaliyeed, dalka oo dhan loogu baahin lahaa colaado.
Waxyaabaha kale ee lagu eedeeyay hay'adaha ayaa waxaa ka mid ah inay lugta kula jiraan sidii ay u curyaamin lahaayeen wax-soosaarka dalka, sida dhaqashada xoolaha nool iyo beeraha, si ay dadka Soomaaliyeed iyaga ugu hoos-noolaadaan.
Sidoo kale waxaa eedaha hay'adahan loosoo jeediyay ka mid ah inay mas'uul ka yihiin qoxootiga dalka ka cararaya, sidoo kalena aysan ogolayn inay sameeyaan xal loo helo dhibaatooyinka haysta dadka ku barakacsan gudaha Soomaaliya.
Xarrakada Al-shabaab ayaa uga digtay hay'adaha kale inay la shaqeeyaan 16-ka hay'adood ee ay ka joojisay howlihii samofal ee ay ka hayeen gobollada bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya, waxaana lagu sheegay warxaafadeedka in hay'addii lagu helo inay la shaqeynayso hay'adahaas iyadana laga joojin doono shaqada ay hayso iyadoo aan wax ogeysiin ah la siin.
Ma ahan markii ugu horreysay oo Xarakada Al-shabaab ay shaqooyinkii ka joojisay hay'ado gargaar oo ka howlgala gobollada ay ka taliso, waxaase sannadkii 2010 ay shaqooyinkii ka joojisay in ka badan 10-hay'adood oo ay ku jiraan kuwa Qarammada Midoobay.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...