
Sarkaalkan oo lagu magacaabop Khaliif Sheekh Maxamuud ayaa maanta lagu tusay warbaahinta xarunta hay’ada Nabadsugida halkaasoo ay goobjoog ka ahaayeen saraakiil ka tirsan hay’adaha amaanka.
“Anigu waxaan ahaa sarkaal ka tirsan Al-Shabaab waxaana joogay deegaanka Kaxda iyo Siinka dheer oo aan ka ahaa masuul. Waxaan soo goostay labo habeen ka hor ka dib markii aan u dulqaadan waayey siday nimankaasi dadka ula dhaqmayaan” ayuu yiri Khaliif Sheekh Maxamuud.
Wuxuu intaa ku daray in uu la soo xiriiray saraakiil ka tirsan DKMG iyo dad eheladiisa ah uuna goostay inuu isa soo dhiibo sidaasna uu ku yimid Muqdisho.

Khaliif Sheekh Maxamuud oo ahaa sarkaalkii Al-Shabaab u qaabilsanaa Deegaanka Kaxda oo isu dhiibay DKMG
Sarkaalkan ayaa watay qori ak-47 ah kaasoo uu sheegay inuu isagu lahaa uuna ula soo galay dhanka DKMG.
Mahan kaliya sarkaalkii ugu horeeyey oo ka soo goosta ururka Al-Shabaab hase yeeshee waxaa beryahan isa soo tarayey xubnaha ka soo goosanaya Al-Shabaab ee u soo baxsanaya dhanka DKMG.
RBC Radio
No comments:
Post a Comment