Wednesday 30 November 2011

Kumuu ahaa Ninkii Isku Qarxiyey Saaka Taliska Ciidamada DKMG Villa Baydhabo (XOG+SAWIRO+DIGNIIN)

Share
Muqdisho (RBC) Waxay faahfaahin ka soo baxaysaa qarax saaka aroortii ka dhacay xarunta taliska ciidamada DKMG ee Villa Baydhabo oo ku dhow isgoyska KM5 ee magaalada Muqdisho.
Qaraxan ayaa waxaa fuliyey nin dhalinyaro ah oo miino isku soo xiray kaasoo sida la sheegay isku dayey inuu gudaha u galo xafiiska abaanduulaha ciidamada Gen. C/kariin Dhegabadan oo xilligaasi sii galayey xafiiskiisa balse ay ka hortageen ciidamo ilaalo u ahaa Gen Dhegabadan.
Illaa hadda inta la xaqiijiyey waxaa ku geeriyootay qaraxaasi 12 askari oo u badan ilaalada Gen Dhegabadan iyadoo 8 kalana ay soo gaareen dhaawacyo kala duwan waxaana dhamaan dhaawacyada loo qaaday isbitaalada Muqdisho.
Meydka Ninkii Ismiidaaminta sameeyey oo madaxa kaliya ka haray
Kumuu ahaa ninka ismiidaamiyey
Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in ninka ismiidaaminta sameeyey uu ahaa wiil uu adeer u yahay Gen C/kariin Dhegadan oo had iyo jeer xafiiska ugu iman jiray, waxaana ninkaasi oo googo’ay oo madaxa kaliya uu ka soo haray lagu arkay goobta uu naftiisa ku haligay.
Gen Dhegadan oo goor dhow warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidankiisa ay fashiliyeen weerar isaga loogu dan lahaa, wuxuuna sheegay inaysan jirin wax walwal ah oo ay gelinayaan weerarada noocan oo kale ah.
Gen Cabdikariin Yuusuf Dhegadan oo wariyaasha kula hadlay Taliska Villa Baydhabo
Gen Dhagabadan ayaa sheegay inuusan la yaabayn Al-Shabaab inay fuliyaan weerarkan oo kale maadaama ay dilaan dad rayid ah maalin kasta.
Waxaa haatan socda baaritaan ay wadaan ciidamada dawlada iyadoo dhaqdhaqaaqa dadka iyo gaadiidka ee wadada isku xirta Buulo Xuubey iyo Zoppe ay caadi tahay.
Qaraxan ismiidaaminta ee uu fuliyey ninkaasi ayaa dadka soo xusuusiyey weerarkii sanadkan bartankiisa lagu dilay wasiirka arimaha gudaha DKMG Alle ha u naxariistee C/Shakuur Sheekh Xasan Faarax oo ay isku qarxisay gabar uu isagu adeer u ahaa oo gurigiisa joogtay taasoo gacanta uu ku hayey nolosheeda.
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...