Monday 28 November 2011

Buug cusub oo ku saabsan taariikhdii Kacaanka iyo madaxweynihii ummada Soomaaliyeed Jaalle Maxamed Siyaad Barreoo laso bandhigay (Daawo)


Share
Buugga Taariikhdii Kacaanka Iyo Jaalle Siyaad

Magaalada Leicester ee dalka Ingriiska waxaa todobaadkaan lagu soo bandhigay bug cusub oo ku saabsan taariikhdii Kacaanka iyo madaxweynihii ummada Soomaaliyeed Jaalle Maxamed Siyaad Barre. Buggan oo ku qoran luuqada Ingriiska ayaa si qoto dheer oo cilmiyaysan u soo bandhigaya noloshii, hogaankii iyo guud ahaan taariikhdii madaxweynihii Soomaaliya. Buuggan oo ciwaankiisu yahay “Somali President, Mohammed Siad Barre: His Life and Legacy” ayaa gaaraya illaa 314 bog oo xanbaarsan sawiro taariikhi ah.
Jaalle Siyaad, hoggaamiyihii cinqilaabka aan dhiigu ku daadan ee ciidanka Soomaaliyeed kula wareegeen talada dalka 21 Octoobar, 1969. Sagaal sano kadib xoriydii curdoonayd ee dhalatay 1960, inta aanay ciidanku talada la wareegin xaalada dalku waxay ahayd mid aad u jaahwareesan. Maamulku waxaa uu ahaa musuq aad u tabar daran, waxaa jiray qabyaalada, dalkana horumar kama jirin. Kadib markii ay dhalatay towradii Kacaanku waxaa bilowday isbal taariikhi ah iyo horumar. Tawradii kacaanku waxay ku tilaabsatay wax-qabad ku wajahan; kobcinta dhaqaalaha, waxbarashada iyo dhamaan qeybaha kala duwan ee horumarka bulshada. Waxaana la mamnuucay qabyaaladii. Waxaa la hirgaliyay iskaashatooyin xoogan oo laf-dhabar u noqday horumarkii  ummada. Dalkii waxaa lagu dhisay iskaa wax u qabso. Waxaa la qorey Af-Soomaaligii, ubadkii dalkuna waxay nasiib u yeesheen inay afkoodii hooyo wax ku bartaan.
Buuggani waxa uu markhaati iyo raad reeb ka yahay taariikhdii dheerayd ee Jaalle Siyaad, waxaana uu da’yarta iyo dhamaan ummada inteeda kalaba siinayaa fursad ay dib ugu jaleecaan cutub kamid ah taariikhdii bari-samaadkii Soomaaliya. Waxaa uu akhriste kasta uga jawaabayaa su’aalo badan oo muhiim ah. Waxaa uuna u soo bandhigay qoruhu siday ahayd sax iyo khaladba.  Waana lagama maarmaan in qofkastaa akhriyo.

Martidii Xaflada Buugga: Xafladii saxiisa buugga waxaa ka soo qeyb-galay qaar kamid ah madaxdii sar sare ee mudadii Kacaanka dalka u soo shaqeeyay. Waxaana kamid ah madaxdaas:-  Cabdi Maxamed Tarax, Cabdulqaadir Xaaji Masale (Hoggayhii HHKS), Aadan Maxamed Cali (Wasiirkii Waxbarashada), Abwaan Jaamac Kediye (Gabaya), Cabdulqaadir Cali Boolay (Wariye), Faarax Daahir Afey (Wasiirkii Warfaafinta), Cabdullaahi Cali Kooshin (Barasaab), Jawaahir Daahir (Qoraa), Cabdullaahi Faarax Qaarey, Cabdi Cusmaan Nuur, Cabdirisaaq Ashkir, Cabdixakiin Faarax Jooje (Qoraa), Qoraa CabdiCaziz “Xildibaan”, iyo Saciid Cali Shire (Qoraa).
Qoraaga: Buuggan waxaa qorey Maxamed Ibrahim Shire oo bartay culuumta sayniska, dagan dalka Ingiriiska. Qoruhu waxaa uu ku dhashay Soomaaliya oo uu mudo 21 sano ah moogyahay. Waxaa uu mudo dheer ku gudo jiray aruurinta iyo soo bandhigida taariikhda Soomaaliyeed. Waxaana uu hirgaliyay dhawr sano ka hor shabakada Jaallesiyaad.com oo lagu kaydiyo laguna soo bandhigo taariikhdii Jaalle Maxamed Siyaad Barre.
Ahmed Adan
Video:
http://www.youtube.com/watch?v=G48hwLw_A50
Qoraalkaan waxaa nasoo gaarsiiyey
Warsame101@Gmail.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...