Tuesday 22 November 2011

Guddoomiyihii hore ee gobolka Mudug oo Gal-mudug ku eedeeyey duqayntii Garoonka Gaalkacyo


Share
Gaalkacyo (RBC) Guddoomiyihii hore ee gobolka Mudug Col.Axmed Cali Salaad ayaa si kulul u eedeeyey Maamul-goboleedka Gal-mudug ee ka arrimiya Koonfuta magaalada Gaalkacyo isagoona ku eedeeyey in ay ka danbeysyay duqayntii shalay loo geystay qeybo kamid ah Garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo.
Col.Axmed Cali Salaad oo iminka ah Isu duwaha Wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland ee gobolka Mudug oo Saxaafada gudaha la hadlaayey ayaa sheegay in duqayntii shalay lagu qaaday Garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo ay ka danbeeyeen Kooxo maleeshiyo ah oo kasoo jeeda Maamul-goboleedka Gal-mudug.
Sidoo kale wuxuu sheegay in Maamul-goboleedka Gal-mudug ay si fiican uga war qabeen in duqayn bareer ah loo geysto gudaha garoonka isagoona intaasi ku daray in aysan ahayn markii ugu horeysay oo duqaymo noocaas ah lagu qaado gudaha garoonka magaalada Gaalkacyo.
Guddoomiyihii hore ee gobolka Mudug ayaa sidoo kale xusay in amni darrada baahsan ee ka jirta Waqooyinga magaalada ay qeyb weyn ka yihiin Maamul-goboleedka Gal-mudug.
Dagaal-beeleedyadii ka taagnaan jiray Miyiga gobolka Mudug ee ayuu sidoo kale ku eedeeyey in Gal-mudug in ay dabada ka riixi jireen amaba ay ka riixaan haddaba,isagoona ugu goodiyey haddii aysan faraha kala bixin amniga Gaalkacyo uu shacabku hal meel uga soo jeedsan doono.
Dhanka kale Maamul-goboleedka Gal-mudug ayaa si kulul isaga fogeeyey eedeynta uga timid dhanka Puntland gaar ahaana Guddoomiyihii hore ee gobolka Mudug iminkana ah  Isu duwaha Wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland ee gobolka Mudug.
Sarkaal u hadlay Maamulka Gal-mudug ayaa sheegay in weerarka lagu qaaday shalay garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo uusan ahayn mid ay qorsheysay Gal-mudug balse ay wadaan baaritaan cida ka danbeysa duqeynta garoonka.
Si kastaba arrimahan ayaa kusoo beegmaya duqayn shalay lagu qaaday garoonka diyaaraha ee magaalada Gaalkacyo,kaas oo ay Puntland ku eedeysay Maamul-goboleedka Gal-mudug balse Gal-mudugna ay isaka fogeysay eedaas.
RBC Radio
Gaalkacyo.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...