Monday 28 November 2011

Ururada Bulshada Rayidka oo Diiday Shirka Wadatashiga ee Muqdisho kadib Markii Qabiil lagu Xujeeyey


Share
Muqdisho (RBC) Ururada bulshada rayidka ee Soomaaliyeed ayaa dibada ka joogsaday shirka mudada saddexda maalin ka socda meel u dhow garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho kaasoo uu soo qabanqaabiyey wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Augustine Mahiga.
Ururada bulshada rayidka oo markii hore lagu waday inay yimaadaan shirka ayaa gebi ahaan diiday ka dib markii ay sheegeen inay u cuntami weysay hadal ka soo yeeray Mahiga iyo hay’ada UNPOS oo ahaa in shirka looga qeybgalayo qabiilo taasoo ay sheegeen inay muujineyso in dadka Soomaaliyeed mar labaad la rabo in dib loogu celiyo qabiilkii ay ka soo gudbeen.
“Waa wax laga naxo oo la yaab ah in bulshada rayidka Soomaaliyeed maanta la yiraahdo qabiilo noqda sidii hogaamiye kooxeedyadii oo uu weliba sidaas ku taliyey ergeyga UN-ka Soomaaliya u soo dirsatay” sidaasi waxaa RBC Radio u sheegay Xasan Sheekh oo ka tirsan dallad ay ku midoobeen ururada bulshada rayidka.
Xasan ayaa sheegay in ay ceeb u arkaan iyo iskudir Soomaalida lakala dhexdhigayo in qabiilo loo noqdo maanta oo dadkii Soomaaliyeed isdhexgalay oo min bari illaa koonfur dadku ay dan wada fiirsanayaan.
“Beesha caalamka waxaan ka codsaneynaa inay Mahiga ka bedelaan arimaha Soomaaliya oo ay geeyaan meeshii uu markii hore ka yimid” sidaasi waxaa shir jaraa’id ku sheegay gudoomiyaha odayaasha Muqdisho Maxamed Xasan Xaad.
Sidoo kale ururada haweenka Soomaaliyeed ayaa iyaguna cabasho ka dhan ah qaabka uu Mahiga wax u wado waxay u gudbiyeen madaxweynaha DKMG Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyagoo tilmaamay inay wax laga xumaado tahay in haweenkii Soomaaliyeed oo aan weligood dagaal gelin oo nabada jecel maanta laga dhigo qabiilo inay afkooda ku hadlaan.
“Anagu ma afhayeenada qabiilada nahay, Soomaalidoo dhan baa hal qabiil ah” ayey tiri Deeqo Axmed oo ka tirsan dallada haweenka ee gobolka Banaadir.
Dhanka kale madaxweyne Shariif oo xalay ka hadlay munaasabad ka dhacday xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa la yaab ku tilmaamay in ururada bulshada rayidka laga dhigo qabiilo. Wuxuuna ku micneeyey in ninkii sidaasi yiri uu yahay sidii “Nin habow ah oo meeshuu aado ay la noqoto inay sax tahay”.
Diidmada ururada bulshada rayidka ee ka dhanka shirka loogu magacdaray wadatashiga ayaa ku soo beegmeysa xilli maanta la filayo in la soo afmeero shirkaasi oo ka socda meel u dhow garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxaana shirkaasi gudoominaya Augustine Mahiga iyadoo ay ka qeybgalayaan wakiilo ka socda DKMGiyo barlamaankeeda, maamulada Puntland, Galmudug iyo Ahlusuna, waxaana ka maqan ururada bulshada rayidka iyo qurbejoogta oo diiday inay qaab qabiil uga soo qeybgalaan.
Ma cadda waxa ay noqon doonto natiijada ka soo baxda shirkan mar haddii qeybo muhim ah oo ka mid ah bulshada Soomaaliyeed ay diidan yihiin.
RBC Radio
Xafiiska wararka Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...