Saturday 26 November 2011

SUUBAN YAREY ( sheeko gaaban)



Suubban Yarey
(Sheeko Gaaban) 
Wq. Cabdullahi Maxamed Aadan 
November 18, 2011

Abaaro ba'an oo geyiga ka jira

Waa xilli abaar ah, roob barinka ka da’anawaxaa ugu danbaysay waqti hore. Dhammaan xoolaha iyo dadka waxaa ka muuqda diif daran. Xaaladda nololeed ee tuuladu waa mid aad u liidata, yar iyo waynna waxaa loo noolyahay si dirqi ah oo aan nolosha dugaagga wax badan dhaamin. Rajadu ma wacna, qof kastaana waxa uu ku jiiftaa quus, wuxuuna ku soo toosaa rajo xumo. Haddii aan roob iyo raxmadda Eebbe si dhakhso ah loo helin, waxaa la hubaa in dhammaan dadka iyo duunyada tuulada joogaa ay aakhiro u galban doonaan. Waxaa intaas oo dhan ka sii daran waxa lagala kulmi doono aakhiro haddii abaarta darteed loo le’do? In aakhiro laga baqo waxaa u sabab ah in tuulada ay ka dhaceen falal aad u gurracan oo diinta Alleh ay aad uga digtay. Tuuladan waxaa hadda ka hor laga bara kiciyay beeshii daganayd, markii tuulada la qabsanayayna waxaa ka dhacay kufsi daran iyo xasuuq ba’an. Culumo dhif ah ayaa ku baaqday in tuulada laga sameeyo roob doon!
Muddo aan sidaa u sii fogeyn waxaa tuulada ka dhacay dagaal qaraar oo aad la iskugu xasuuqay. Dagaalka wuxuu ahaa jihaad xaq ah oo beeshii laga bara kiciyay tuuladu ay soo qaadeen si ay degaankooda dib ugu qabsadaan. In kastoo ay dadaaleen haddana jihaadkii wuxuu ku dhammaaday guul darro, balse markasta oo jihaad xaq ah la galo waxaa la helaa ajar aysan fahmi karin doqomadu. Badi dadka tuulada ku nooli waxay wadaagaan hal xirfad oo kaliya, waana xirfadda burcadnimada. Way jiraan xayn aan badnayn oo iska tuugsata ama iska ducaysta, hase yeeshe waxaa badan inta caabudda qoriga caaradiisa. Wajiyada dadka waxaa ka muuqda farxad qabyo ah, balse qalbiyadooda waxaa jiifta cuqdad iyo ciil is barkan. Qof kasta wuxu ku mashquulsan yahay sidii uu uga takhalusi lahaa qof kale. Siyaabaha la isku khaarijiyo tuulada dhaxdeeda way badan yihiin, inta wax khaarijisana waxaa ugu arxan daran wadaaddada.
Dagaalka dhacay tuulada
Beesha tuulada xoogga ku haysata waxaa ku dhacay musiibo daran. Mar aan sidaa u sii fogeyn, waxaa dhaawac soo gaaray u dhintay suldaankii beesha. Waxay ahayd geeri naxdin leh. Suldaanku wuxuu ahaa nin dhammaan beeshu ay aad u jeclaayeen marka laga reebo naagtiisa oo u aragtay nin laga caqli badan yahay. Wuxuu ahaa halyay si raganimo leh uga qayb qaatay dagaallo beeshiisu ay la gashay beelaha kale ee ay jaarka yihiin. Sidoo kale wuxuu ahaa aftahan beeshiisa ku difaaca af iyo adinba. Wuxuu maarayn jiray naftiisa iyo jifadiisa oo kaliya. Wuxuu si ba’an u aaminsanaa in jifada uu suldaanka u yahay ay xaq u leeyihiin in beelaha kale ay boobaan. In uu sidaa u fakaro kuma uu qaldanayn, waayo wax kale oo uu ka fakaro maba aysan jirin. Inta badan noloshiisa wuxuu ku tabiyay xanaaq iyo cuqdad. Malaha wuxuu xoogaa nafis ah dareemi jiray marka uu u galmoonayo xaaskiisa Caasho carrab dheer!Sii Akhri

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...