Tuesday 22 November 2011

Qarax Rayid ku Dhinteen oo lala Beegsaday Kawaanka Kalluunka ee Degmada Wadajir


Share
Muqdisho (RBC) Ugu yaraan 7 ruux oo rayid ah ayaa la sheegay inay geeriyoodeen ku dhowaan 16 kalana way dhaawacmeen ka dib qarax weyn oo casarnimadii maanta lala beegsaday kawaanka kalluunka ee degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.
Qaraxa ayaa ahaa miino la doonayey in goob u dhow kawaanka lagu qariyo balse qaraxday, waxaana dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ay yihiin dadkii ku sugnaa kawaanka oo isugu jiray dad ka shaqeeya kawaanka iyo kuwo meesha u tagay inay wax soo iibsadaan.
Qaraxa oo aad u weynaa ayaa abaare 4:tii galabnimo laga maqlay deegaano badan oo u dhowaa kawaanka.
Dhaawacyada ayaa loo daad gureeyey isbitaalka ciidamada Amisom ay ku leeyihiin xerada Xalane ee duleedka Muqdisho.
Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka degmada Wadajir ayaa iyaguna gaaray goobta, walow aaney jirin cid loo qabtay qaraxan.
Goobta uu kawaanka ku yaallo ayaa waxaa marta wado tagta xerada Jaziira ee ciidamada DKMG lagu tababaro, waxaana loo maleynayaa in bartil maameedka qaraxa uu ahaa wadadaasi.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhanka DKMG iyo saraakiisha amniga ee maamulka degmada Wadajir.
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...