Wednesday 30 November 2011

Mahiga oo Handadaad ujeediyay Labada Shariif.



  • PDF
amiirnuur.comGolaha gaalada Midowde ayaa Dhaliil iyo hanjabaad u jeediyay madaxda ugu sareysa DKMG ah oo lagu eedeeyay musuq maasuq iyo waxisdaba marin.
Shir Sedax Maalmood socday oo Muqdisho ka dhacay ayaa lagu dhaliilay DKMG ah waxaana hanjabaad loo jeediyay labada shariif.
Danjire Mahiga ayaa sidoo kale sheegay in qodobbada ugu horreeya ee qorshahan laga hirgelinayo ay yihiin dhameystirka dastuurka iyo dib u habeynta baarlamaanka Soomaaliya, isagoo sheegay in labadan qodob ay yihiin kuwa ugu muhiimsan .
"Roadmap-ka waxaa laga ansixinayaa shirka Midowga Afrika ee ka dhacaya dalka Burundi. Ciddii diidda Khariidadda Nabadda (Roadmap) tallaabo ayaa laga qaadayaa," ayuu yiri Mahiga oo sheegay in heshiiskii Kampala oo qorshana uu ka dhashay horay looga ansixiyay baarlamaanka Soomaaliya .
Qorshaha khariidadda nabadda (Roadpam) ayaa waxaa lagu gaaray shirkii bishii September ka dhacay Kampala  kaasoo ay ka qaybgaleen dowladda KMG ah, Puntland, Galmudug iyo Ahlusunna Waljamaaca, waxaana saxiixay xubnihii shirkaas ku matalayay dhinacyada ka qaygbalay .
Dhanka kale, dajire Mahiga wuxuu ku boorriyay dhinacyada Soomaaliya inay xil weyn iska saaraan sidii lagu hirgelin lahaa qorshahan oo uu sheegay inuu horseed u noqonayo in Soomaaliya ay ka baxdo xilliga KMG ah
Labada shariif ayaa sanadkan gudihiisa ku loolamay xilka Hogaamiyaha DKMG ah waxaana markii dambe kala saaray Museveniga hogaamiya dowladda Kirishtanka Uganda.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...