Wednesday 30 November 2011

Wilaayada Shabeelaha Hoose oo Xukun Xaddul Xiraaba ah fulisay.


on .
Wilaayada Islaamiga Shabeelaha Hoose ayaa galabta xukun Xadul Xiraaba ah ku fulisay dhalinyaro Muslimiin ah oo falal burcadnimo ah geystay.

Maamulka degmada Lafoole ayaa galabta Lug iyo gacan is dhaaf ah kajaray ilaa iyo Laba qof wiil oo dhalinyara ah kuwaasi oo xiligii gacanta lagusoo dhigayay wadada taagnaa islamarkaana dhacayay dad shacab ah.

Mas'uuliyiin katirsan Wilaayada Islaamiga Shabeelaha Hoose oo fagaaraha deegaanka Calamada kula hadlay dadkii usoo daawasha tagay xukunka Xadul Xiraabaha ayaa sheegay in fulinta xukunada Islaamiga ah ay sii socon doonaan islamarkaana aysan cidna ugu naxariisan doonin xuduuda Alle.

Raggan maanta Xukunka Xaddul Xiraabaha ah lagu fuliyey ayaa iyagoo hubeysan waxa ay hanti shacab ku dhaceen degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho iyo deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...