Sunday 17 April 2011

Ku Dhowaad 100 Ruux oo Shabaab Maanta ku Xireen Degmada Jowhar

owhar (RBC) Wararka naga soo gaaraya degmada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in ciidamada Shabaab ee ku sugan degmadaasi maanta ay xirxireen dad lagu qiyaasay inay ku dhow yihiin boqol ruux.
Dad deegaanka jooga ayaa u xaqiijiyey Shabakada RBC Radio in xariga dadka uu bilawday saaka waabarigii kadib markii ciidamo cusub oo dhowaan Shabaabka ay geeyeen Jowhar ay bilaabeen hawlgal u ekaa sidii qafaal oo kale oo dadweynaha lagula dhaqaaqay.
Ma jirin wax u kala aabayeel ah, waxaana la qabanayey maanta cid kasta oo gudaha magaalada iyo suuqyada lagu arko siday noo sheegeen dad jooga Jowhar oo diiday in magacooda la xigto amaanka dartiis.
Waxaa wararku sheegayaan in saraakiisha Shabaab aysan sheegin sababta ka dambeysa xariga dadka faraha badan maanta lagula kacay, taasoo saameyn ku yeelatay dhaqdhaqaaqii ganacsiga, waxbarashada iyo xitaa babuurta dadweynaha ee xaafadaha magaalada ka shaqeyn jirtay oo u xayirmay raafka dartiis.
Ilo wareedyo hoose ayaa sheegaya in qafaalkan uu bilawday kadib markii odayaasha deegaanka iyo horjoogayaasha Shabaab ee Jowhar ay isku fahmi waayeen dalab dhaqaale oo ay Shabaabku dhowaan ku soo rogeen dadkashaqeeya iyo guryaha la degan yahay, iyadoo qofkii shaqaale ah lasaaray lacag dhan $10 bil kasta halka qoys kaastana la saaray lacag u dhexeysa $10 illaa $20, lacagtaasi oo Shabaab ugu magacdareen taakuleyn.
Warar ayaa sheegaya inShabaabka ay saaka bilaabeen raafka kadib markii  inta badan odayaashii reer Jowhar ay kala firxadeen ayna isaga tageen magaalada si ay uga dhuuntaan dalabka Shabaabka soo rogeen.
Waxaa dhanka kale iyana jirtay arin kale oo horey labada dhinac isugu afgaran waayeen oo ahayd in qabiilada degan Jowhar iyo guud ahaan Shabeelaha Dhexe midkiiba la weydiistay in dhalinyaro u dagaalanta Shabaab ay keenaan taasoo nabadoonada beelaha ay iyaguna faraha ka taagteen.
Ciidanka saaka qafaalka ka waday Jowhar ayaa ahaa rag ku cusub dadka deegaanka oo qaarkood wajiyadu u xirnaayeen, waxayna dhamaantood ku lebisnaayeen Khamiis Pakistani cagaar ah oo Shabaabku caan ku yihiin.
Xaalada Jowhar ayaa maanta duhurkii caadi ku soo laabtay iyadoo ganacsiga qaarkii uu dib u furmay, waxaana dadkii la qabqabtay la geeyey saldhiga degmada oo ay Shabaabka ku xireen.
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...