Sunday 17 April 2011

40-Askari oo ka goostay Laascaanood (Askartan ayaa ka tirsanaa Ciidamada Booliiska ee Somaliland))


PDF Print E-mail
Written by Administrator   
Sunday, 17 April 2011 20:31

 40- Askari oo ka mid ah ciidamada Somaliland qaasatan Bileyska magaalada Laascaanood ayaa shalay ka soo goostay magaaladaasi, kuwaas oo horey u sii Afduubtay laba baabuur oo kuwa jaadka ah, isla markaana aan mar qudha la joojin oo si nabad ah u soo maray dhamaan kaantaroolada u dhaxeeya Laascaanood ilaa Hargeysa,waxayna ciidamadan u adkeysan-waayeen cunsurinimada ay kala kulmeen dadweynaha Magaalada Laascaanood oo intooda badan ka soo horjeeda maamulka Somaliland,waxayna sheegeen in ganacsatada magaalada ay diideen inay cunno ka iibiyaan Askaragii ay u gartaan inuu ka soo jeedo deegaamada Hargeysa,Burco iyo Bariga Somaliland,iyagoo sidoo kale dhaleecveyn u soo jeediyay Hogaanka Saadka ee Booliiska Somaliland oo raashinkii ay qaadan-jireen musuq-maasuq ku sameeyay.

Ciidamadan ayaa la sheegay inay horey u sii jabsadeen Bakhaarkii raashinka ee Laascaanood, isla markaana tuuladda Halayo ee duleedka bariga caasimada ay kaga hortageen saraakiil Bileyska ka tirsan oo uu hogaaminayo Taliyaha Bileyska Cilmi Rooble Furre (Cilmi Kabaal).

Ciidamadan Bilayska Laascaanood ka tirsan ee soo goostay ayaa la sheegay inay ka cabanayaan daryeel la’aan iyo tayo xumo raashinka ah iyo miciishadda ay kala kulmeen Laascaanood, isla markaana ay go’aansadeen inay xaga taliska guud u soo goostaan.

Ciidamadan ayaa waxa ay eedayn badan u soo jeediyeen hogaanka saadka ciidanka booliska Somaliland, kuwaas oo ay ku eedeeyeen inay musuq-maasuqaan raashinka giraamka ah ee ay dawladdu siiso, waxaanay farta ku godeen Madaxa saadka booliska Maxamed Baashe (Jug-soo dhacay).

Shacabkamedia:Runta-Kama-Xishoono

Email: Shacabkamedia@live.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...