Wednesday 20 April 2011

Qubuuro ay ku Aasnaayeen Culimo Caan ah uuna ku Jiro Madaxweyne Shariif Awowgii oo Shabaab ay Qodeen Lafihiina kala Bexeen

Muqdisho (RBC) Wararka saaka naga soo gaaraya deegaanka Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in saraakiil iyo ciidamo fara badan oo tirsan kooxda Shabaab ay ku qamaameen qubuuro ku yaalay dhowr tuulo oo hoos yimaada degmada Mahadaay iyagoo soo faagay qubuuro ay ku aasnaayeen culimo caan ka ah koonfurta Soomaaliya. Deegaanada ay Shabaabku ka fuliyeen qubuuri faagida shalay iyo maanta ayaa waxaa ka mid ah tuuloyinka Miirtuugo iyo Afarta Tuulo oo xagga bari ka xiga magaalada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe halkaasoo deegaan ahaan ay degaan qoyska Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Qubuuraha la faagay ee lafaha ay ka soo saareen Al Shabaab waxaa ka mid ah Qabrigii Sheekh Muuse Cigale oo ah madaxweyne Sheekh Shariif awowgii oo la aasay mudo haatan laga joogo 41 sano.
Sheekh Muuse Cigale wuxuu ahaa nin si weyn qeyb uga soo qaatay barbaarintii Madaxweyne Sheekh Shariif (oo magaciisa yahay Shariif Sheekh Axmed Sheekh Muuse Cigale).
Ilo xog ogaal ah ayaa ku waramay in lafaha Sheekh Muuse Cigale ay Shabaabka ku qaateen jawaan iyagoo ku qaatay baabuur ay wateen saraakiil ka tirsan Al Shabaab.
Sidoo kale qubuuraha la faagay waxaa ka mid ah qabrigii Sheekh Axmed Gabale iyo qabrigii Sheekh Axmed Sheekh Maxamed oo labaduba ka mid ah culimada magaca ku lahayd gobolka Shabeelaha Dhexe iyo guud ahaan gobolada koonfurta Soomaaliya.
Sida RBC Radio ay u sheegeen dad deegaanka jooga waxaa ciidamada Al Shabaab ee qubuuraha soo qoday hogaaminayey nin lagu magacaabo Sheekh Saacid Karatay oo ka mid ah horjoogayaasha Shabaab u qaabilsan dhanka qubuuraha.
Meelaha kale ee ay Shabaabku shalay qubuuro faagista ka sameeyeen waxaa ka mid ah tuulada Buurdheere oo ka tirsan Shabeelaha Dhexe.
Hawlgalkan ay Shabaab ku qaadeen qubuuraha ayaa la sheegay in shalay iyo maanta uu ka socday tuulooyinka u dhow degmada Mahaday ee gobolka Shabeelaha Dhexe.
Illaa hadda lama oga halka ay Shabaab geeyeen lafaha saddexda qabri ee ay faageen, iyadoo markii ay qubuuraha qodayen aysan jirin cid kale oo meesha joogtay marka laga reebo ciidankooda.
Dadka ku sugan deegaanka Mahadaay iyo deegaanada u dhow ee laga yaqaanay culimada la qaatay lafahooda ayaa aad ula yaabaay falkan oo aan ahayn midkii ugu horeeyey ee Shabaab ay ka fuliyaan gobolada ay maamulaan ee koonfurta dalka.
Waxaa jirta hadalheyn fara badan oo dadka ay ka sheegayaan halka Shabaabku u wadaan lafaha qubuuraha  ay faagayaan iyo ujeedada ay ka leeyihiin, waxayna dadka qaar ay ku tilmaameen taariikh burburin  halka ay jiraan dad ku doodaya in Shabaab lafaha culimada ay u iib geynayaan dibadaha.
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...