Shirkan nabadeed ayaa waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiin ka socota Taliska Booliska Puntland sida Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Gen, Cali Nuur Cumar, Taliye xigeenka Booliska G/sare Maxamed Siciid Jaqanaf, Gudoomiyaha Gobolka Mudug Axmed Cali Salaad, Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Mudug G/dhexe C/rashiid Cadceed Dhey Lo’aad, Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Nugaal Cismaan Xasan Cuuke, Agaasimaha Maaliyada Gobolka Mudug Siciid Cali Yuusuf, Duqa Degmada Gaalkacyo C/raxmaan Maxamuud Xaaji, Xildhibaano ka tirsan Golaha Deegaanka degmada Gaalkacyo, Odayaasha dhaqanka, Siyaasiyiin, Aqoonyahan iyo Marti sharaf kale.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa diirada lagu saaray amniga iyo xasiloonida magaalada Gaalkacyo, waxaana kulanka hadalo ka soo jeediyey Mas’uuliyiin, Waxgarad kuwaasi oo si kulul uga hadley falalka amaan darro ee magaalada ka jira gaar ahaan dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.Sii Akhri
No comments:
Post a Comment