Sunday 10 April 2011

Shariif Xasan iyo inta badan Wasiiradii ka tirsaneyd Xukuumadii Cumar C/rashiid oo maanta u dhoofay Nairobi

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo xubno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta u ambabaxay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, si maalinta Tallaadada uga qeyb galaan shirka wada tashiga ka dhacaya Magaalada Nairobi.

Shariif Xasan oo horay u sii watay xubno miisaan ku lahaa Xukuumadii Cumar Cabdirashiid ayaa horay u aqbalay casuumaada uu u fidiyay Wakiilka Qaramada Midoobey Soomaaliya Amp. Agoustine Mahiga oo dhamaadkii bishii hore warqad casuumaad u keenay Madaxda Dowladda.

Wararka ayaa sheegaya in Shariifka ay ku wehliyaan safarkiisa ilaa 10-xildhibaan oo ahaa kuwo horay loogu qoondeeyay Baarlamaanka inay shirka kula soo qeyb galaan, waxaana xubnahaas ay yihiin kuwo ku caan ah jalaafooyinka siyaasadeed.

Xildhibaanada horay u sii raacay Shariif Xasan ayaa waxaa ka mid ah Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibada Xildhibaan Cali Axmed Jaamac Jengeli, Wasiirkii Boostada iyo Isgaarsiinta Xildhibaan C/risaaq Jurile oo ninka diyaariyay qorshayaasha uu ku socdo Shariif Xasan, iyadoo lagu wado in Mr Jurile uu ka hadlo kulanka Qaramada Midoobey ee wada tashiga.

Sidoo kale xubnaha Shariifka kala qeyb galaya shirkaas ayaa waxaa ka mid ah Ra'iisul wasaare kuxigeenkii hore iyo Wasiirkii Kaluumeysiga Prof. C/raxmaan Ibb Xukuumadii Cumar C/rashiidi,Wasiirkii Bey'ada Burci iyo Xildhibaan Prof. C/llaahi Afrax.

Xildhibaanadan ayaa ah kuwo dhamaantood heerar kala duwan uga soo qeyb qaatay khilaafaadkii Xukuumadihii hore iyo Baarlamaanka soo maray, waxaana la ogeyn dabin sida dabin daabyada ay caanka ku yihiin xilligan u jalaafeyn karto Madaxweyne Shariif iyo Ra'iisul Wasaarihiisa daacada u ah Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Kulanka maalinimada tallaadada furmaya ee 12-ka bishan ayaa waxaa Wakiilka Qaramada Midoobey uu sheegay in looga tashanayo waqtiga u haray Dowladda KMG iyo arrimo kale, inkastoo Dowladda KMG ay si guud isugu khilaaftay ka qeyb galka shirka.

Ra'iisul Wasaare Farmaajo ayaa horay u cadeeyay in shirkaas aanay Xukuumada ka qeyb galeyn, hase ahaatee ka qeyb galka Shariif Xasan ayaa waxaa uu sii hurinayaa khilaafka Madaxda Dowladda ee xilligan ku dhex jira, gaar ahaan isaga iyo saaxibkiisii hore Sheekh Shariif oo isna aad uga biya diidanaa shirkaas.

Si kastaba ha ahaatee Gudoomiyaha Baarlamaanka ka qeyb galkiisa shirka Baarlamaanka ayaa ku soo aadeysa xilli Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ay maalintii shalay aheyd isku maandhaafeen inuu ka qeyb galo iyo inuusan ka qeyb galin, ayaa tani waxay keeneysaa in Shariifka ku waayo taageero Baarlamaanka gudihiisa, maadaama Xildhibaanada ay intooda badan diidan yihiin shirkaas.



Hoyga wararka Somaliyeed
www.jowhar.com
jowharcom@hotmail.com
jowharcom@gmail.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...