Wednesday 13 April 2011

SHIRKA NAIROBI: Shariif Xasan oo Difaacay Go’aankii Waqti Kordhinta & Ahlu Sunna oo Codsatay Taageerada Beesha Caalamka

 

Nairobi (RBC) Gudoomiyaha barlamaanka KMG Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo kulankii wadatashiga ka jeediyey khudbadii dhinacooda ayaa si adag u difaacay go’aanka waqti kordhinta saddexda sano ee uu gaaray barlamaanka bishii Febraayo.
Khudbadii Shariif Xasan oo ahayd shirka maalintii koowaad ee shaley midii ugu dambeysay ayaa diirada saartay baahiyaha keenay in go’aanka waqti kordhinta uu gaaro barlamaanka KMG, wuxuuna sheegay Shariifku in go’aanka uu ahaa mid ku yimid duruufo jiray.
Shariif Xasan ayaa sheegay in haddii go’aankaasi aan la gaari lahayn ay dhici lahayd wax la yiraahdo ‘political vacuum’ oo ah in dalka uu ku soo dhaco meelmaran oo aaney ka jirin wax dawlad ah, markaasna xilli kale ay qaadan lahayd in dib loo abaabulo dhismaha dawlad kale.
Wuxuu intaa ku daray in xildhibaanada barlamaanka ay si aqlabiyad ah ugu codeeyeen go’aankaasi maadaama iyaga ay wakiil ka yihiin beelaha Soomaaliyeed oo dhan, wuxuuna dhanka kale ku dhaliilay xukuumada Raysul wasaare Farmaajo iyo madaxweyne Sheekh Shariif inay isku dayeen inay carqaladeeyaan go’aanka saddexda sano uu barlamaanka ku kordhistay.
Shariif Xasan wuxuu sheegay in la magacaabay guddi doorasho oo haddaba hawshiisa bilaabay uuna rajeynayo in doorashada madaxtooyada la qabto taasna masuul uu ka yahay barlamaanka, isagoo ku adkeystey in madaxweynaha uu waqtigiisa ku eg yahay bisha August. 
Gudoomiyaha barlamaanka waxaa uu ka wareegtay inuu marnaba hadalkiisa ku soo daro in doorashada gudoonka barlamaanka ay dhacayso iyo in kale.
Hadalkii Ahlu Sunna
Dhanka kale ururka Ahlu Sunna oo shirka shaley ku galay labo wafdi buuqna uu ka dhashay ayaa iyaguna hadal uu jeediyey afhayeenkooda Maxamed Xuseen Owliyo waxay ku codsadeen in Ahlu Suna lagu taageero sidii dalka looga baabi’in lahaa Al Shabaab oo ay sheegeen inm shacabka dhibaato ku hayaan.
Sii Akhri

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...