Wednesday 13 April 2011

Shirkii Wada tashiga Magaalada Nairobi oo maanta mar kale la isugu imaanayo, xilli shalay buuq hareeyay

Iyadoo xalay fiidkii uu soo gaba gabeeyay shirkii wada tashiga Arrimaha Soomaaliya looga hadlayay ee ay soo qaban qaabisay Qaramada Midoobey ayaa shalay waxaa hareeyay buuq, kadib markii ergada uga qeyb galeysay Ahlusuna uu dhex maray muran, taasoo keentay in dibada looga saaro.

Kulankii shalay oo ahaa mid kala war qaadasho iyo aragtiyo ay is dhaafsanayeen ka qeyb galayaasha ayaa waxaa markii hore furay Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Amp. Agoustine Mahiga.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan oo hadal ka jeediyay kulanka ayaa sheegay in Baarlamaanka uu soo maray caqabado kala duwan, isagoo xusay in hada uu heysto caqabadahaas sida uu yiri.

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Faroole ayaa ku eedeeyay Dowladda KMG in aysan wax wada tashi ah la yeelan Maamulada dalka, isagoo shirka ka sheegay in loo baahan yahay in la yareeyo tirada Baarlamaanka.

Inkastoo kulanka ilaa xalay uu soo gaaray ayaa hadana arrinta taagneyd waxay aheyd muranka soo dhex galay wafdiga Ahlusuna, waxaana furitaankii shirka hareeyay buuqa, kaas oo keenay in Afhayeenka Ahlusuna ee Muqdisho Sheekh Soomow iyo ninka Afhayeenka Yurub u qaabilsan Owliyo ay isku dhaceen, taasoo keentay in shirka dibada looga saaro Mr Owliyo, xitaa waxaa uu ku sigtay in ay xiraan Ciidamada.

Maanta ayaa mar kale la filayaa in shirka uu dhe maro dhinacyada Soomaalida iyo Beesha Caalamka, waxaana lagu wadaa in marka maanta la soo gaba gabeeyo looga hadlo arrimo dhowr ah oo quseeya arrimaha soomaaliya, waxaana lagu wadaa in laga soo saaro war murtiyeed.




Hoyga wararka Somaliyeed

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...