Saturday 23 April 2011

SIR CULUS: Hamiga Shariif Xasan ee Kursiga Madaxweynaha, Ahlu Sunna oo u Dacwootay Amisom, Hagarta Madaxweynaha iyo Qodobo kale (Warbixin Xasaasi ah oo Laga Heley Amisom)

 

      
Muqdisho (RBC) Warbixin si hoose looga heley mid ka mid ah xafiisyada ciidanka AMISOM ee hawlgalka u jooga caasimada Muqdisho ayaa daaha ka qaaday dhowr arimood oo yaab leh oo ku tacaluqa siyaasada iyo amaanka Soomaaliya.
Warbixintan oo ahayd farriin E-mail ah oo ay isu dirayeen saraakiil ka tirsan Midowga Afrika (AU) kana timid xafiiska siyaasada Amisom ee magaalada Muqdisho taariikhda ku qorana ay tahay 14 July 2010, ayaa si aan qarqaris lahayn waxay shaaca uga qaaday in gudoomiyaha barlamaanka Shariif Xasan uu u buko kursiga madaxweynaha.
Damaca Shariif Xasan iyo Kursiga Madaxweynaha:
“The new Speaker Sherrif Hassan is now scheming to become the President of Somalia after five months….”
Afhayeenka cusub ee barlamaanka wuxuu si dhagar ku jirto u xisaabsanayaa inuu noqdo madaxweynaha Soomaaliya 5 bilood kadib, wuxuuna hadaa ku jiraa shukaansi uu barlamaanka ka dhex wado sidii uu sameeyey markii uu xilk gudoomiyaha barlamaanka doonayey”, ayaa lagu yiri farriinta Amisom u direen xafiiska siyaasada AU 14 July 2010.
Warqada Amisom intaas kaliya kuma hakan ee waxay sidoo kale ka xog warantay waxa Shariif ku dhaliyey damacan cusub iyo waxa uu aaminsan yahay.
“Shariif Xasan oo ka soo jeeda qabiil aad u tiro yar oo la yiraahdo ‘ASHARAAF’ kana tirsan beesha Digil iyo Mirifle wuxuu ka soo dhaadhiciyey Ethiopia in qabiilada tirada yar inay ka wanaagsan yihiin kuwa tirada badan si ay talada ugu qabtaan Soomaalida. Shariif Xasan wuxuu gaashaanka ku dhuftey in Sheekh Shariif [oo beri ay saaxiibo ahaan jireen] uu wax awood ah u leeyahay hogaaminta dalka. Wuxuuna Ethiopian-ka u sheegay in haddii isaga [Shariif Xasan] uu noqdo madaxweynaha Soomaaliya in dhamaan qabiilada kale ee Soomaalida ee tirada badan ay isaga taageeri doonaan.
“Barlamaanka Baydhabo haloo celiyo” :
Qoraalka sirta ah ee laga heley Amisom wuxuu kaloo sheegay in Shariif Xasan uu balan qaaday in barlamaanka KMG uu dib ugu celin doono magaalada Baydhabo ka hor inta aysan dawlada Ethiopia ku dhawaaqin taageerada isaga ay u heyso.
Inkastoo warbixintu intaa ku koobtey sheekada ku saabsan damaca Shariif Xasan haddana warar kale oo beryahan soo baxay ayaa sheegaya in halka warkan ay ka heleen Amisom uu yahay kulan Shariif Xasan iyo raysul wasaaraha Ethiopia Meles Senawi ku dhexmaray Addis Ababa dhowr bilood ka hor mar uu halkaa booqasho ku tegey.
Dhaqdhaqaaqyada Shariif Xasan ee Dhanka sharci dejinta:
Warbixinta xafiisyada Amisom soo tebiyeen waxay ka xog warameen sida Shariif Xasan uu gacatiisa ugu bedbedalayo qodobada dastuurka KMG ee ay DKMG ku shaqeyso isagoo hadba siduu rabo ka dhigta iskana saara hadba qodobkii uu u arko inuu danahiisa ka hor imaanayo.
“In addition to the “satanic articles” already mentioned in the previous brief, which are meant to bolster total control of government by the speaker using the new parliament regulations……”
“Waxaa intaa dheer in qodobadan sheydaan ee aan horey u soo tilmaanay, ujeedkeedu yahay kuwo loogu fudedeynayo afhayeenka barlamaanka inuu isagu kontoroolo dawlada oo dhan isagoo adeegsanaya shuruucda cusub ee barlamaanka” ayey tiri warbixinta Amisom. (Warbixintaa Raxanreeb.com ayaa iska leh ee ha xadin).
Warbixinta waxay sii faahfaahisay arimahan;-
- Afhayeenku wuxuu soo jeediyey in kaliya 1/3 (saddex meelood hal meel) guud ahaan tirada barlaamanka ee 550-ka xildhibaan taasoo ah 186 mudane ay u keeni karaan mooshin. Arintan oo ay diideen xildhibaanada waxaana jira warar kale oo sheegaya in afhayeenka barlamaanka uu yareeyey tirada uuna ka dhigay 60- 70 mudane inay keeni karaan mooshin.
- Sida caadiga ah Kudlada barlamaanka waa 176 mudane, afhayeenkuna wuxuu doonayey sidii uu kala jebin lahaa kuwa isaga ka soo horjeeda si aysan u helin tirada xildhibaanada ay u baahan yihiin. Tirada ka soo horjeeda afhayeenka waa 20 mudane oo qura waqti xaadirkan.
- Afhayeenka barlamaanka wuxuu kaloo soo jeediyey in doorasho kasta lagu saleyn doono 2/3 (saddex meelood labo meel codad) oo ah aqlabiyad ka badan 50+1.
- Barlamaanka KMG Soomaaliya [Transitional Federal Parliament TFP] waxay kulmeen intii u dhexeysay 12/07/2010  iyo 14/07/2010, waxayna labada jeerba dib u eegis ku sameynayeen xeer hoosaadyada iyo shuruucda kale.
Hagardaameyntii Dhex martey Sheekh Shariif iyo Cumar C/rashiid:
Qeyb ka mid ah waribixinta ay isu qoreen saraakiisha AU iyo kuwa Amisom waxay isugu sheegeen fadqalalihii siyaasadeed ee ka dhex socday madaxweyne Sheekh Shariif iyo raysul wasaarihii xilligaasi xukuumada hayey oo ahaa Cumar C/rashiid C/rashiid Cali Sharma’arke. Waxaana xusid mudan in sheekada loo adeegsaday ereyga “Conspiracy” oo ah shirqool ama khiyaamo.
Waxayna sheekada faahfaahisay sida Cumar C/rashiid tareenka looga tuuray iyo qodobadii loo adeegsaday iyo sidoo kale isdaba maryeynta ay wadeen xildhibaano daacad u ahaa madaxweyne Shariif.
Sheekada ku saabsan Cumar C/rashiid iyo Sheekh Shariif ayay saraakiisha Amisom sidaan u sharaxeen:-
- Markii ay taariikhdui ahayd 14/07/2010, iyadoo laga ambaqaadayo mooshin ay keeneen 50 xildhibaan oo qaarkood ay ahaayeen taageerayaasha madaxweyne Shariif ayaa loogu yeeray raysul wasaare Cumar C/rashiid inuu horyimaado barlamaanka si sida uu qabo qodobka 11 ee dastuurka KMG [Transitional Federal Charter TFC]. (Warbixintaa Raxanreeb.com ayaa iska leh ee ha xadin).
- Raysul wasaaraha waxaa laga rabay inuu faahfaahin dheeri ah ka bixiyo horumarka dawladiisa mudadii sanadka ahayd ee ay jirtey, arimaha maamul ku fidinta dalka, qoritaanka dastuurka cusub ugu baaqay, qaadista afti dadweyne.
- Laakiin Markaas xukuumada raysul wasaare Cumar waxay ahayd inay barlamaanka ku hortagto qodobka 11 (qeybtiisa 10aad iyo 11aad) si ay u xogbixiso arimaha federaalka iyo sidey u socdaan iyo inay codka kalsoonida weydiisato barlamaanka.
- Weydiisashada codka kalsoonida ee barlamaanka waa qodob dastuuri ah waana sharci. Marka dib loo eegana waa qodobkii loo adeegsaday in xilka laga tuuro raysul wasaaraha fadhiya laftiisa.
Kala qeybsanaantii u dhexeysay Golihii Wasiirada Xukuumadii Cumar C/rashiid:
Qoraalka ay isu direen saaxiibada AU iyo Amisom wuxuu si naxdin leh uga waramay kala qeybsanaanta ka dhex jirta golaha wasiirada xukuumadii Cumar C/rashiid dhexdeeda oo garabna ay la safnaayeen raysul wasaaraha garabka kalana ay la safnaayeen madaxweyne Sheekh Shariif.Sii Akhri

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...