Saturday 23 April 2011

Sirdoonka Somaliland oo Dawladda Itoobiya u gacan galiyay nin Oromo ah oo Magan-gelyo ku joogay Hargeysa

Ciidamadda Sirdoonka Somaliland ayaa maanta u gacan geliyay Ciidamadda Itoobiya C/salaam Mukhtaar Xaaji oo ah nin Oromo ah oo u diiwaangashanaa Hay’adda Qaramadda Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR.

Sida ay Shacabkamedia u sheegeen ilo xogogaal ah oo arrintan u dhuundaloola waxa aay Ciidamadda Sirdoonka saaka abaara toddobadii subaxnimo ninkaas ka kaxaysteen gurigiisa oo ku yaala magaaladda Hargeysa, waxaanay saacad ka dib gacanta ka geliyeen ciidamo Itoobiyaan aah oo ku sugnaa xadka dhinaca Itoobiya ee Wajaale.

Mid ka mid ah Ciidamadda Somaliland oo magaciisa ka gaabsay inuu sheego ayaa Waaheen u sheegay in ninkaas la gudbiyay oo loo dhiibay Dawladda Itoobiya. Ilaa hadana ma cada ninkaasi inuu wax danbi ah galay iyo inkale.

mid ka mid ah dadka ninkaas ugu dhaw ayaa sheegay inuu ahaa qaxooti magan-gelyo dalka ku joogay oo u Diiwaangashanaa Hay’adda Qaxootiga ee UNHCR ilaa hadana ay baafinayso ninkaas, waxaanu xusay in maanta ninkaas ay ugu danbaysay markii ay Ciidaamaddu kaxaysteen

ninkan Oromada ah ayaa ah kii sadexaad ee ay Somaliland u gudbiso dhinaca Itoobiya, iyadoo bishan Gudaheeda laba nin oo Eratariyaan ah sidaan oo kale loogu gudbiyay Itoobiya kuwaasoo aan la garanayn danbi ay Somaliland ka galeen

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...