Friday 11 November 2011

Ciidamadii ugu badnaa ee Mujaahidiinta dhar cadka ah oo buux dhaafiyay Muqdisho.


on .
alshabaab7Ciidamadii ugu badnaa oo ka mid ah qeybaha kala duwan ee guutooyinka Mujaahidiinta ayaa buux dhaafiyay magaalada Muqdisho, waxaana ilo wareed masuul ah uu sheegay in muddooyinkan dhaw ay wax weyn iska badali doonto xaaladda Muqdisho.
Ciidamadan oo qaab dharcad ah ayaa isugu jira kuwa Milatariga, Amniyaatka, kuwa guutada Kharsaa, Cuyuunta, Tanfiidka, iyo qeybaha Ikhtiraaqa halista ah, waxaana ilo wareedkan uu intaasi ku darayaa in sidii loogu qorsheeyay ay ciidamadaasi u gaareen deegaanada kala duwan ee magaalada Muqdisho.
Guutooyinka qaarkood ayaa durbadiiba howlahooda bilaabay kuwaasi oo dhaq dhaqaaqooda laga dareemayo magaalada Muqdisho, waxaana si aad ah u shaqeeya guutada cuyuunta iyo qeybaha Ikhtiraaqa halista ah, kuwaasi oo ku guuleystay in ay wax weyn ka naafeeyaan cadowga.
Ilo wareedka aan soo xiganeyno ayaa tilmaamaya in Mujaahidiintu ay adeegsanayaan xog cusub oo gudaha cadowga laga helay iyo arrimo badan oo fududaaday inkastoo arrimahaasi uusan carabaabin ilo wareedkan, hayeeshee ilo wareed kale oo madax banaan ayaa ku sheegay arrimahaasi in xiriir ay soo sameeyeen shaqsiyaad muuqda oo ka tirsan DKMG ah kuwaasi oo han siyaasadeedkoodu ku qasbay in ay la shaqeeyaan Mujaahidiinta iyaguna ay badbaado helaan.
Aqristayaasha shabakadda SomaliMeMo ayaan u soo gudbin doonaa haddii ay suuragasho wixii xog dheeraad ah ee arrimahaasi ku aadan, waxaana ay arrimahan imaanaya waqti laga dhowrayo DKMG ah iyo maleeshiyaadkeedu in ay isku soo baahiyaan deegaanada Muqdisho oona ay shaqo bilaabaan shaqaalaha laamaha iyo degmooyinka Banaadir kuwaasi oo u sharaxan in ay noqdaan ugaar dayacan oo la leyn doono.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...