Friday 11 November 2011

Khasaara Intee la Eg ayaa Kenya kasoo gaaray duulaanka ay Somaliya kusoo qaaday (Tirakoob).


on .
somalimemo.netTaliska ciidamada Mujaahidiinta Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay khasaaraha dowlada Kenya kasoo gaaray duulaanka saliibiga ah oo ay kusoo qaaday wilaayada Islaamiga Jubbooyinka.

Afhayeenka ciidamada Shabaabul Mujaahidiin Sheekh C/caziiz Abuu Muscab ayaa shaaca ka qaaday in ciidan badan ay Kenya uga dileen aagga Taabto gaadiid dagaalna ay ka gubeen.
Isagoo wareysi gaar ah siinayay Idaacadda Islaamiga Al-andalus xarunteeda dhexe ayuu sheegay in mujaahidiintu ay dagaalka kala hormareen Kenyaatiga soo duulay.
Tirakoob ay mujaahidiintu sameeyeen ayay ku ogaadeen in gaadiid dagaal laga gubay dowladda Kenya, Abuu Muscab wuxuu shacabka ugu bishaareeyay in mujaahidiintu ay gubeen 9 gaadiid oo nuuca dagaalka balse mujaahidiintu tirakoob rasmi ah kama bixin cadadka rasmiga ah ee Kenya looga dilay dagaalka.
Sheegashada Kenya ee khasaaraha dagaalka Somaliya.
Tan iyo markii ay kenya duulaanka tooska ah kusoo qaaday Soomaaliya bishii Oktoober ee tagtay waxay Kenya qiratay in laga dilay 15 Askari weeraro kala duwan oo uga yimid Shabaabul Mujaahidiin.
Waxaa jira weeraro qarsoodi ah oo gudaha kenya ka dhacay waxaana larumeysanyahay in ciidan aan ka yareyn 30 Askari Kenya looga dilay weerarada gudaha Kenya ka dhacay.
Tirakoob ay sameeyeen weriyaasha SomaliMeMo ayaa sheegaya in Kenya laga dilay ciidan kabadan 25 Askari kuwaasi oo ku baxay gacanta Shabaabul Mujaahidiin.
Weli ma dhicin dagaalkii ay mujaahidiintu u qorsheeyeen ciidanka Kenya marka lagareebo Jidgooyooyin wadooyinka ka dhaca.

0 Comments.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...