Thursday 10 November 2011

DEG-DEG: Masuuliyiin Ka Tirsan Puntland Oo Ka Badbaaday Qarax Miino


Share
Gaalkacyo (RBC) Waxaa saaka barqadii qarax nooca miinada oo la galiyay dhulka hoostiisa lala bartilmaameedsaday masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland kuwaas oo maraayay waqooyiga Gaalkacyo.
Masuuliyiinta lala bartilmaameedsaday ayaa waxa ka mid ah Guddoomiye ku xigeenka Gobalka Mudug ee Puntland Farxaan Cali Xirsi kaas oo uu dhaawac ka soo gaaray isaga mid ka mid ah ilaaladiisa.
Qaraxa ayaa waxa ka badbaaday Mid ka mid ah Xildhibaanada Puntland oo isna la socday kolonyada qaraxa lagu weeraray.
Ciidamada Amaanka ayaa iyana bilaabay baaritaano waxaana ay ku soo qabqabteen ku dhawaad 20-dhalinyaro kuwaas oo lagu tuhmaayo in ay ka dambeeyeen qaraxa.
Ma jiro illaa hadda cid ka hadashay qaraxa saaka lala bartilmaameedsaday masuuliyiinta Maamulka Puntland.
Ma ahan markii ugu horreysay ee qarax lala bartilmaameesto masuuliyiin ka tirsan Puntland.
Xafiiska Radio RBC-Gaalacyo

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...