Thursday 10 November 2011

DEG DEG: Masuul Ka Tirsan Maamulka Magaalada Boosaaso oo Dilay Goor Dhow


Share
Boosaaso (RBC Radio)  Kooxo hubaysan ayaa Salaadii Makhrib ka dib ku dilay gudaha magaalada Bosaso Afhayeenkii 16-Xaafadood ahaana Guddoomiyihii Kaamka barakacayaasha Girible Ubax.
Cismaan Axmed Cismaan[Qarawo] oo ahaa Afhayeenkii Guddiyadda 16-Xaafadood ahaana Guddoomiyihii Kaamka barakacayaasha Girible Ubax ayaa xiliga la dilaayey kasoo baxay Masaajid Shaafici ee Xaafadda Raf iyo Raaxo.
Goob Joogayaal ku sugnaa meesha dilku ka dhacay oo ka gaabsaday in magacyadooda lasoo xigto ayaa RBC Radio u sheegay in ragu ahaayeen Saddex nin oo ku hubaysnaa bastoolado,waxaana rasaas ay kala dhaceen madaxa oo isla markiiba uu u geeriyooday.
Laamaha amniga oo durbadiiba gaaray goobta dilku ka dhacay ayaa bilaabay baaritaan,waxaana ilaa iminka aysan sheegin faah-faahin rasmi ah oo ku saabsan dilka.
Si kastaba waa markii ugu horeysay oo la bartilmaameedsado masuul ka tirsan Kaamamka barakacayaasha degmada Bosaso.
RBC Radio
Bosaso

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...