Thursday 10 November 2011

Maxaa loo Dilay Xildhibaan Aadan Buule Maxamed?


Share
Muqdisho (RBC) Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa dilkii shalay degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho loogu geystay Alle ha u naxariistee xildhibaan Aadan Buule Maxamed oo ka tirsanaa mudanayaasha barlamaanka Soomaaliya.
Marxuumka oo meydkiisa xalay baryey ayaa maanta duhurnimadii waxaa lagu aasay qubuuraha Sheekh Cali Suufi ee degmada Hodan iyadoo masuuliyiin ka tirsan DKMG ay ka qeybgaleen.
Haddaba maxaa soo kordhay?
Masuuliyiin ka tirsan dawlada iyo da goobjoogayaal ayaa markii ugu horeysay cadeeyey in dilka marxuum Aadam Buule uu salka ku hayo muran ka dhashay guri uu ku lahaa xaafada Xoosh oo ka tirsan  degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho.
Sida la xaqiiyey, marxuumka ayaa shalay duhurnimadii u baxay si uu soo booqo guri uu hore u lahaa oo ku yaalla xaafada Xoosh kaasoo sida la sheegay mudo uusan booqanin.
“Markii uu guriga tegey wuxuu la kulmay dad gurigiisa degan, wayna is hadal dhaafeen isaguna wuxuu yiri iiga guura”, sidaasi waxaa Raxanreeb u sheegay qof degan xaafada Xoosh oo magaciisa ka gaabsaday.
Sida goobjoogayaashu sheegeen dilka xildhibaanka wuxuu ka dhacay wadada Suuq liif ee isku xirta xaafada Xoosh iyo degaanka Tabakaayo Madow.  Wuxuuna dilku dhacay abaare 2:00 duhurnimo.
Ilo wareedyada deegaanka waxay sheegeen in makii uu xilhibaanku ka soo laabtay guriga daqiiqado ka dib uu la kulmay rag hubeysan oo u muuqday in loo sii diyaariyey, kuwaasoo isla markiiba rasaas ku boobay baabuurkii uu saarnaa xildhibaanka.
Alle ha u naxariistee Xildhibaan Aadam Buule waxaa ku dhacay illaa 4 xababood oo qaarkood kaga dheceen madaxa iyo cal;oosha, waxaana isagoo dhaawac ah la geeyey isbitaalka Madiina halkaasoo markii dambe uu ku nafbaxay, sida Raxanreeb uu u sheegay mid ka mid ah kalkaaliyaasha caafimaadka ee isbitaalka Madiina.
Wasaarada arimaha gudaha oo hadashay
Wasiirka arimaha gudaha DKMG C/samad Macalin Maxamuud oo saaka la hadlay Raxanreeb wuxuu sheegay in ciidamada ay qabteen raggii dilkaasi geystay, wuxuuna ballan ku qaaday in deg deg maxkamada loo soo taagi doono si sharciga loo marsiiyo.
Wasiirku wuxuu sheegay in kiiska ay ku wadaan baariis buuxda si loo ogaado sababta keentay in xildhibaanka loogu toogto meel dawladu ka taliso, isagoo sheegay in maamulka demada Dharkeenley wax laga weydiinayo dhacadadan.
Dhanka kale xildhibaano iyo waxgarad ka soo jeeda gobolada Geo iyo Jubbooyinka ayaa maanta kulamo gooni gooni ah ku yeeshay gobolka Gedo iyo magaalada Muqdisho, waxayna cambaareeyen dilka loo geystay xildhibaan Aadam Buule iyagoo ku baaqay in DKM ay cadeyso sharcigana hor keento dadkii dilka geystay.
Arimahan oo dhan ayaa muujinaya in dilka Marxuumka uu ku saleyan yahay guriga uu lahaa ee ku yaalla deegaanka Xoosh, walow dawlada ay sheegtay inay kiiskan baaris ku hayso.
Waxaana hadda soo baxay shaki ku saabsan in dadkii guryaha dadka xooga ku heystay mudadada labaatanka sano ah ay  rabaan inay weli xoog iyo xaqdaro ku sii heystaan guryaha dadow balse waa shaqo u taalla DKMG inay la timaado qorshe cad oo dhibaatadan looga hortegi karo.
RBC Radio
Xafiiska wararka Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...