Friday 11 November 2011

Madaxweyne maalin kasta yimaada oo aan soo dhoweyntiisa laga daalin (WARBIXIN)


 
Share
Muqdisho (RBC Radio) Jaad ama Qaad waa caleen iyo qoryo cagaaran si weyn ayaa looga isticmaalahaa guud ahaan dalka Soonaaliya waxaana jira dad badan oo isugu jira dad waaweyn iyo dad dhalinyaro ah oo isticmaala raguba hagu badnaadeene.
Qaadka cagaaran waxaa laga keenaa wadamada dariska la ah Soomaaliya ee Kenya iyo Itoobiya, waxaana qaadka ugu badan ee laga isticmaalo koofurta Soomaaliya ayaa ah kan laga keeno wadanka Kenya.
Maalin walba inta badan gobalada Soomaaliya waxaa ka soo daga diyaarado qaad wada kuwaasi oo ka keena wadamada dariska waxaana qaadkaasi ku baxo maalinkasta malaayiin lacag ah oo ay Soomaaliya ka faa’iidaan wadamada dariska.
Ma jirto cid isweydiisa faa’iida badan ee lacageed oo ay naga helayaan wadamada kenya iyo Itoobiya iyo waliba sunta ay dadka Soomaaliyeed ka iibinayaan.
Suuqyada iyo goobaha lagu iibiyo jaadka.
Waxaa jira Suuqyo loo diyaariyay iyo goobo mashquul ah oo jaadka lagu iibiyo kuwaasi oo ku yaala guud ahaan inta badan wadanka Soomaaliya.
Meelaha Jaadka lagu iibiyo waa meelaha ugu mashquulka badan ganacsiga Soomaaliya waxaa suuqyadaasi lagu arkaa dad badan oo iibsanaya Qaadka oo nuuc kasta isugu jira.
Mar aan tagay meelaha Jaadka ee Muqdisho
Waxaan arkay ka hor inta uu san Jaadka Imaan jawiga oo dhan ayaa ah mid degan suuqyada qaadka ma jiraan wax saxmad ah ama buuq ah oo ka jira, waxaa xiligaasi jooga oo kaliya wiilal yar yar oo la shaqeeya ganacsatada Qaadka kuwaasi oo sii diyaarinaya miisaska jaadka la saaro iyo waliba jawaano qoyan oo loogu talagalay in jaadka markii la keeno lagu qaboojiyo.
Waxaa la gaaray 11-barqanimo mar qur ah ayaa waxaa meeshii aan joogay oo ahayd halka loo yaqaano beerta Jaadka oo ku dhow Saybiyaano soo gaaray gawaari si xooli ah ku socota oo hoonka yeerinaysa, waa astaamaha lagu yaqaano markii uu jaadka yimaada.
Mar qurax ayaa meeshii aan joogay oo qadiiqado ka hor cidlo ahayd ayaa waxey noqotay mid mashquul badan oo dad badan mar qura ay yimaadeen, dadka qaar ayaa waxey yihiin kuwo markaasi hurdo ka soo kacay wajigooda ay ka muuqato hurada, dadka qaar ayaa waxey yihiin kuwo aad u malayso in markaasi xarko laga soo daayay waxaana waxa kaliya ay ku dhawaaqayaan uu yahay madaxweynihii ayaa yimid.
Maanta maxaa dhacay
Magaalada Muqdisho qaybo ka mid ah ayaa maanta waxaa ka dhacay banaan bax balaaran kaasi oo ay dhigayeen dadka Jaadka ka ganacsade iyo waliba kuwa isticmaala, waxaana banaanbaxan uu ka danbeeyay ka dib markii maanta Qaadkii yimid magaalada Muqdisho lagu xayiray garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho sababo la xariira in canshuurta laga bixiyo.
Dadka Dibad baxa dhigayay ayaa waxey ku dhawaaqayeen erayo ay ka mid ahaayeen dowlada doonimayno waxaan rabnaa jaad iyo ereyo kale oo kuwaasi la mid ah.
Waa Su’aal Soomaaliyey jaad iyo dowladnimo yaa noo dan ah mese jaad ayaa dowladnimo la agdhigi karaa, waxaa su’aal kalee isweydii maxaa keenay in banaanbax loo sameeyo jaad daqiiqado lagu xayiray garoonka Muqdisho iyadoo laga doonayo canshuurtii dalka , iyada oo aanan la eegeyn lacagaha badan oo ay maali kasta naga faa’iidayaan wadamada dariska ah.
Hadal haynta Jadka Marqaanka ah iyo Dadka Jaadka ka Ganacsada
Waxey ku tilmaamaan Jaadka in uu yahay madaxweynahooda marka ay isweydiinayaana waxey yiraahdaan Madaxweynihii ma yimid ninkii raga ahaa ma yimid iyo waxyaabo kale oo ka ag dhow.
Marka la eego dadka Soomaaliyeed sida ay ku yihiin Qaadka iyo ahmiyada ay siiyeen iyo sida maalin walba loo soo dhoweeyo ayaan waxaan ku tilmaami karnaa Madaxweyne maalinkasta yimaada oo aanan soo dhoweyntiisa laga daalin.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...