Friday, 11 November 2011

Daraasad Lagu Sameeyay Saxaafadda Soomaalida oo Lasoo Bandhigay

Share

Daraasad aad u qoto dheer oo lagu sameeyay qaabka ay u shaqeyso warbaahinta Soomaalida ayaa lagu soo bandhigay aqoon is weydaarsi soconayay labo maalmood kaasoo lagu qabtay Hudhelka New Stanley ee magaalada Nayroobi ee caasimadda Dalka Kenya.
Aqoon is weydaarsigan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay mashruuca Warbaahinta iyo Colaadaha ee  Jaamacadaha Swansea iyo Norwegian Life Sciences, waxaana looga gol lahaa in lagu ogaado qaab dhismeedka ay ku shaqeyso warbaahinta Soomaalida iyo doorka ay ka ciyaarto sii socoshada colaadaha Soomaaliya iyo sidoo kale ka qeyb qaadsahada dib u heshiisiinta dalka.
Furitaanka Shirka
Kullankan oo soconayay labo maalmood ayaa waxaa markiisii ugu horeysay Dr Stig Jarle Hansen iyo sidoo kale Mohamed Hussein Gaas oo iyagu ahaa labada aqoonyahan ee kasocday Jaamacadaha soo bandhigay daraasaddani waxayna si qoto dheer uga faaloodeen tariikhdii ay soo martay warbaahinta Soomaalida, isbadaladii ku yimid 20-kii sano ee ay dalka colaaduhu ka jireen iyo sidoo kale doorka ay Jaaliyadah dibeddu ka ciyaareen dib u soo nooleynta tabinta dhacdooyinka dalka.
Muuqaalka guud ee warbaahinta Soomaalida ayaa waxaa soo koobay labo wariye oo Soomaaliya oo u shaqeeya qaar kamida warbaahinta caalamka kuwaasi oo si kala baxsan uga hadlay qaabka ay u shaqeyso warbaahinta Soomaalida iyo sidoo kale halkay gaarsiisan tahay marka la barbardhigo warbaahinta kale ee ka hawl gasha dalalka ku yaalla bariga iyo bartmaha Afrika.
Maxamed Caddoow iyo Daa’uud Aweys
Maxamed Cadoow oo ka socday warbaahinta caalamiga ah ee Al Jazeera horeyna inkabadan 9 sano lasoo sahqeeyay BBC laamaha Afaffka Soomaalida iyo Sawaaxiliga ayaa ka sheekeeyay marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay warbaahinta Soomaalida waxa uu hoosta ka xariiqey in hanashada iyo kobaca warbaahinta Soomaalida uu ka dambeeyay wakhtigii ay burburtay dowladii dhexe ee Soomaaliya isagoona shaki balaaran geliyay in hadii ay dowlad dhexe jiri lahayd ay warbaahinta Soomaalida sidaan u kobci lahayd.
Maxamed Cadoow waxa uu tilmaamay in sare u kac aad u xooggan uu ku yimid warbaahinta iyo saxafiyiinta Soomaaliyeed ee 20-kii sano ugu dambeysay- taasi oo uu ku sheegay iney ka dambeysay kadib markii dalka uu burburay shaqo la’aan baahsana ay dalkii soo foodsaartay in markaasi ruux waliba oo wax qori kara uu noqday wariye amaba uu furtay xarun warfaafineed sida wargeys, idaacad amaba Website, taasina ay markaasi sare u qaaday xarumaha warfaafineed ee ka hawl gala Soomaaliya, kuwaasi oo inabada oo kamida aysan ku saleysnayn ilaalinta anshaxa guud ee saxaafadda iyo dhawritaanka xuquuqda warfaafineed.
Waxa uu Maxamed Cadoow ka digay in ruuxa isaga oo aan saxafi ahayn isla markaana aanan lahayn aqoon saxaafadeed ku lug yeesha tabinta wararka iyo ku shaqeynta xirfadda saxafinimo ay ka dhigan tahay askari isagoonan tababar ciidan iyo tab hubka loo qaato aqoonin dagaal aaday ayna khatarteeda leedahay, taasi oo uu ku dabaqy iney muhiim tahay in warfidiyeenada Soomaalida looga baahan yahay iney xoogga saaran sidii ay u kordhin lahaayeen tababar saxaafadeedka iyo aqoontooda aasaasiga ah ee ku aaddan ka shaqeynta warbaahinta.
Daa’uud Aweys oo ka socday laanta dabagalka BBC isla markaana kamid ah wariyayaasha BBC laamaha Soomaaliga iyo Sawaaxilka ayaa isaguna tilmaamay in inkastoo 20-kii sano ee lasoo dhaafay ay warbaahinta Soomaalidu horumar balaaran gaartay in haddana shaqada warbaahinta ay dhibaato xooggan ku heyso lahaanshiyaha goobaha warbaahinta iyo maamulitaankooda.
Daa’uud waxa uu hoosta ka xariiqey in shakhsiyaad badan oo heystay maaliyad ay ku abuurtaan goobo warbaahineed ay ku dhiiradeen furashada xarumo warbaahin isla markaana ay iyagu maamulaan taasi oo uu sheegay iney khatar tahay in la abuuro xarun warbaahineed oo aanan la lahayn aqoonteeda iyo tababarkeeda.
Waxa uu carabka ku adkeeyay in mulkiilanimada xarun warbaahineed ay u baahan tahay in ruuxu uu leeyahay xirfad wariyanimo si uu markaasi ugu shaqeeyo xeyndaabka iyo shuruucda u degsan warfaafinta caalamka isla markaana uu qeyb uga noqdo barnaamijyada nabadeynta iyo dib u heshhiisiinta dalka halka uu kamid noqon lahaa qeybaha burburinaya isla markaana sii hurinaya colaadaha ka jira Soomaaliya.
Daa’uud waxa uu sidoo kale qirey inuu sidoo kale kobac ku yimid doorka haweenka Soomaaliyeed ee ka qeyb qaadashada hawlaha warfaafinta Soomaalida isagoona sheegay in marka la eego dumarkii 20 sano ka shaqeyn jiray warbaahinta ay aad u yaraayeen marka loo eego tirada maanta ka hawl gasha warbaahinta Soomaalida.
Inta badan wariyayaashii mudada dheer kusoo dhex jiray warbaahinta geeska afrika iyo jaamacadihii daraasadda soo bandhigay ayaa isla ogolaaday in warbaahinta Soomaalidu ay kaga horeysa dhinaca warfaafinta qaar badan oo kamida dalalka gobolka sida Itoobiya, Jabuuti, Eritrea, Yugaandha, Burundi iyo Rwanda.
Sidoo kale waxaa shirka kasoo qeyb galay wariyayaal badan oo isugu jiray Soomaali iyo ajnabi kuwaasi oo muddo aad u farabadan kasoo shaqeeyay warbaahinta caalamka waxaana kamid ahaa ruug cadaayasaahii Soomaalida ahaa ee kullanka kasoo qeyb galay Madixii hore ee laanta afka Soomaaliga Maxamed Cabdulaahi, Cabdisalaan Ibraahim Hereri(BBC,VOA, UNIVERSAL TV), Xassan Bariise (DAWAN Productions, BBC).
Sidoo kale waxaa goobta joogay wariyayaal ajnabiya oo muddo aad u farabadan kasoo shaqeynayay gobolka geeska Afrika oo ay kamid ahaayeen Mary Harper oo tifaftiraha Africa ee BBC World Service iyo Louise Tunbridge oo 20-kii sano ee lasoo dhaafay kasoo sahqeysay geeska Afrika, waxay horey u ahayd wariayaha BBC geeska Afrika iyo sidoo kale wargeyska Daily Telegraph haatana waxay kamid tahay hawl wadeenada Laanta Afka Soomaaliga ee IRIN oo haatan u guurtay magaca Radio Ergo.
Inkastoo ay jiraan dhaliilo loo soo jeediyay qeybo badan oo kamida warbaahinta Soomaalida sida tababar la’aanta qaar badan oo kamida xirfadlayaasha warbaahinta Soomaalida, aqoonyarida maamulayaasha iyo mulkiilayaasha goobaha warfaafinta iyadoona dalka Kenya oo kaliya lagu sheegay inuu waxoogaa uu ka horeeyo warbaahinta Soomaalida.
Dhaliilaha Warbaahinta Soomaalida
Inkastoo la amaanay horumarka ay warbaahinta Soomaalidu gaartay 20-kii sano ee lasoo dhaafay ayaanan haddana meesha laga saarin dhaliilo dhawr ah oo loo jeediyay warbaahinta Soomaalida taasi oo dhamaantiood sal looga dhigay aqoon la’aan iyo tababar xumo ku addan dhinaca warfaafinta oo lagu sheegay iney tahay xirfad u baahan xeerinta sharciyada iyo qawaaniinta u degsan.
Waxyaabaha lagu dhaliilay ayaa waxaa kamida iney sidoo kale qeyb ka qaadato warbaahintu sii hurinta colaadaha ka dhex aloosama qabaa’ilada Soomaalida iyo sidoo kale baahinta warar iyo dhacdooyin gefku ah siyaasiyiin iyo qeybaha kale ee bulshada taasi oo abuuri karta iska horimaadyo ka dhex dhaca bulshada qaybaheeda kala duwan.
Sidoo kale dhaliilaha lasoo jeediyay ayaa waxaa kamid ahaa in mulkiilayaal badan oo kamida shakhsiyaad leh amase maamula warbaahinta Soomaalida ay sameeyaan ku tagri fal awoodeed sabab ka dhiga iney warbaahinta ku adoonsadaan wariyayaasha oo aanaey siinin khidmad u dhigta hawsha warfaafineed ee wariyayaashu gacanta ku hayaan.
Ruug cadaayaasha saxaafadda Soomaalida inta badan kusoo jiray ayaa sheegay in sababta laaluush siinta wariyaha ay sare u qaaday in mulkiilayaasha iyo maamulayaasha warbaahintu aaney wariyaha siinin mushaar ku filan oo uu ku fuliyo waajibaadkiisa saxaafadeed iyo kala gurida fikirka iyo dhacdooyin wareedka taasi oo lagu sheegay iney dhaawc uu geysato mihnadiisa saxaafadeed ee uu wariyuhu ku shaqeeyo.
Inkastoo ay saxafiyiintu ka tacsiyeeyeen geerida, jirdilka iyo gabood faladda loo geysto saaxafadda Soomaalida ayay haddana waxay isla qireen in khataro farabadan ay wali ku hor gudban yihiin warbaahinta iyo wariyayaasha Soomaalida ee ka hawl gala gudaha dalka iyo goobaha ay dagaaladdu ka socdaan iyagoona soo hadal qaaday mamnuucistii dhawaan uu maamulka Puntland u geystay Telefishinada UNIVERSAL TV iyo SOMALI CHANNEL TV.
Wariyayaal iyo wakiilo wareedyo dhawr ah oo isugu jiray Soomaali iyo ajnabi ayaa qeyb ka ahaa aqoon isweydaarsiga waxaana kamid ahaa warbaahinta goobta joogtay, BBC, VOA, Hiiraan Online, RBC(Raxanreeb), Horumar Online, Somali Channel TV, Universal TV, Bar-kulan, Star FM, Somalia Report iyo kuwa kale.
Waxaaa Gabagabadii kullanka lasoo jeediyay tallooyin ku aaddan horumarinta warbaahinta Soomaalida iyadoona saxafiyiinta lagula taliyey iney sare u qaadan xirfadooda saxafinimo isla markaana ku dadaalaan helitaanka tababaro aasaasiya oo ku aaddan xirfadda wariyanimo si ay wararkoodu u noqdaan kuwo sugan dhexdhexaad ah oo aanan lahayn eex isla markaana aysan ku lug yeelan tabinta wararka abuura colaadah isla markaana ka qeyb qaata burburinta iyo colaadaha Soomaaliya ay lasoo daallaa dhaceysay 20-kii sano ee lasoo dhaafay.
Warbixintaan waxaa noosoo diray
Cabdiqafaar Shire
Nairobi-Kenya

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...