Thursday 9 June 2016

Dagaal ka socda Deegaanka Halgan


 
0
SHARE 
Halgan(SONNA)–Deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan ayay wararku sheegayaan in dagaal  uu ka socdo Deegaanka, kadib markii Kooxda Al-Shabaab ay weerar  ku qaadeen saldhig Ciidamada Itoobiya ku lahaayeen goobtaasi.
War mar dhow ay heshay Wakaaladda Wararka Somaliyeed ee SONNA ayaa sheegaya in dagaalkaasi uu ka dambeeyay, kadib markii Kooxda Al-Shabaab ay weerar ismiidaamin ah ku qaadeen saldhiga Ciidamada Itoobiya,  kadibna waxaa  bilowday dagaal toos ah oo u dhaxeeya Ciidamada Itoobiya oo qeyb ka ah kuwa midowga Afrika iyo kooxda Alshabaab.
Dagaalka oo bilowday saaka salaaddii subax kadib, iyadoo Dadka deegaanka ayaa sheegay inay ka maqlayaan goobtaasi dhawaaqa hubka  culus oo la is weydaarsanayo, waxaana dagaalka uu xoogiisa ka socdaa duleedka Halgan, balse wararka qaar ayaa sheegaya in diyaaradaha qumaatiga u kaca Ciidamada Itoobiya ay ka qeyb qaadanayaan dagaalkaasi.
Deegaanka Halgan ayaa ku yaalla jidka laamiga ee u dhaxeeya Buulo Burde iyo Beledweyne, waxaana halkaasi muddo saldhig u aheyd Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howl galka AMISOM.
Wixii faahfaahin dheeri ah  ee ku soo kordha kala soco SONNA.SO

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...