Sunday 19 June 2016

Isbaheysiga Xisbiyada Soomaaliya oo ka soo horjeestay guddiga doorashooyinka ee u madaxweynaha magacaabay


CSPPMuqdiso (RBC Radio) Isbaheysiga Xisbiyada Soomaaliyeed ayaa markii ugu horreysay ka soo horjeestay guddiga doorashada oo u dhawaan magacaabay madaxweynaha Soomaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud.
Warqoraal ah oo ka soo baxay Isbaheysiga Xisbiyada ayaa lugu sheegay inay sharci darro tahay guddiga doorashooyinka ee u magacaabay madaxweynah.
Kulanka xubnaha Isbaheysiga Xisbiyada dalka ayaa ka dhacay Muqdisho Sabatidii shalay,Waxaana war-saxaafadeed ka soo baxay shirkooda oo la soo garsiiyay Raxanreeb u dhigna sidan hoose.
Gudiga Doorasho ee Madaxweynuhu Magacaabay waa Sharci Daro
(Muqisho, 18-06-2016) Shir deg deg ah oo ay maanta oo Sabti ah 18/06/2016 isugu yimaadeen Xisbiyada Siyaasadeed iyagoo ka tashanayay xaalada siyaasadeed ee adag ee dalka uu marayo oo diirada saaray gaar ahaan Gudiga Federaalka ee doorashada daban (FIET) ee Madaxweynuhu xeerka ku soo saaray waxay isla garteen arimaha hoos ku xusan
1- Xeerka Madaxweyne ee ku saabsan Gudiga Federaalka ee Doorashooyinka Dadban (FIET) ayaa Xisbiyada Siyaasadeed waxay u arkaan mid sharci daro ah, kana tarjumaya in doorashada soo socota ay noqoneysa mid ku shubasho ah oo horseedi karta colaad laga abuuro qabaailka dhexdooda, taasoo u eg doorashadii 1969 ama ka sii daran.
2- Sida ka muuqata Gudigan Doorashada oo ay ku jiraan 9 wasiir oo intooda badan Barlamaanka u tartamaya iyo shaqaale laga soo xulay Xafiisyada Madaxweynaha, Raiisul wasaaraha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka kuwaas oo wakiil ka ah danaha gaarka ee sadexda xafiis oo huwiyay magaca aqoonyahan in ku sifeysan yihiin gudi aan sameyn karin doorasho xor iyo xalaal ah oo daahfuran, kalsoonina ka heli karta qeybaha kala duwan ee shacabka soomaaliyeed iyo beesha caalamka.
3- Markii laga yimaado xubnaha gudiga doorashooyinka ee laftigoodu u tartamaya xildhibaanimo, Madaxweynahu xaq uma lahayn in uu magacaabo wasiiro iyo shaqaale isaga daacad u ah, waxayna ahayd in uu ahaado gudi farsamo oo madaxbanaan sida kuwii maamulay doorashadii 2012 ee loo yaqaanay Technical Selection Committee (TSC).
4- Waxaa nasiib daro ah Madaxweynihii laga rabay in uu ilaaliyo dustuurka iyo sharciga in uu caadaystay in uu ku tunto dustuurka iyo Haya’adaha dowladda ah ee Dalka ka jira taasoo uu ku doonayo in uu dib ugu soo laabto xukunka si ku dhisan sharci daro iyo wax is dabamarin.
5- Xaalada wadanku marayo ee mugdiga ah waxaa masuuliyadeeda qaadaya Madaxda Qaranka, iyadoo in si xun loo maareeyo doorashooyinka 2016 ay horseedayso burbur hor leh oo ku saleysan dagaalo sokeeyo oo ka dhasha doorashooyinka soo socda .
6- Xisbiyada ma ogolaan karaan mana aqbali karaan in bulshada soomaaliyeed laga dhex abuuro dagaalo sokeeye oo ka dhasha doorashooyinka soo socda..
7- Xisbiyada Siyaasadeed waxay hoosta ka xariiqayaan in 135 Oday ee 2012 ay yihiin saldhiga hanaanka soo xulista ergooyinka, iyagoo ka digayo isku dayada guuracan oo wax looga badalayo liiskaas taasoo xanbaarsan dano siyaasadeed oo gaara.
8- Waxaan ugu baaqeynaa
A- Shacabka Soomaaliyeed, duubabka iyo odayaasha dhaqanka in ay ka digtoonaadaan, hor-istaagaan damaca waalan ee ay Madaxda Sare ku doonayaan in Beelaha Soomaaliyeed ka soo dhex xushaan xildhibaano u adeegaya danahooda gaarka ee lagu hungoobay afartii sano ee la soo dhaafay, kuwaasoo marnaba aan ka shaqeynayn danta shacabka iyo mida qaran.
B- Maadama Madasha Qaran ay kalsooni siin weysay Gudiga Qaran ee madaxa bannaan ee Doorashooyinka (NIEC), sidoo kalana ay ka muuqato Gudigaan Federaal ee Doorashooyinka Dadban (FIET) mid dano gaara laga leeyahay waxan ku baaqeynaa sameynta Guddi Farsamo oo cusub oo aysan xubno ka ahayn wasiiro iyo shaqaale xafiisyada qaran taas badalkeedna xubno ay ka yihiin Bulshada Rayidka, iyo dad xushmad ku leh bulshada dhexdeeda oo aanan tartan ku jirin.
C- In la sameeyo Gudiyada Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka iyo Gudiga Korjoogtada oo heer federal iyo mid Gobol ah, oo madaxbanaan, kana kooban Bulshada Rayidka, Xisbiyada Siyaasadeed, iyo Xubno ka tirsan Beesha Caalamka.
D- Beesha Caalamka in aysan ogolaan in soomaaliya dib loogu celiyo dagaal sakooye oo siyaasadeed, iyo in dadaalkii laga soo bilaabay 2000 oo geedi socodki dowlad dhisida in uusan burburin.
———Dhamaad—
__
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...