Thursday 9 June 2016

Wasiirrada G/dhigga iyo Amniga Qaranka oo sheegay in 240 Alshabaab ah lagu dilay Halgan


 
0
SHARE 
Muqdisho(SONNA)—Wasiirrada Gaashaandhiga iyo Amniga Qaranka Mudane C/qaadir Sh. Cali Diiniiyo C/risaaq Cumar ayaa faahfaahin dheerad ah ka bixiyay Weerarkii ay kooxda Alshabaab ku qaadeen Saldhigga Ciidanka AMISOM ku leeyihiin Deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan, iyagoo xusay in weerarkaasi uu ka qabsaday jab iyo halaah aysan ka soo waaqsan.
Wasiiraddu waxay intaasi ku dareen Kooxdaasi Nabad-diidka ah ee Al-Shabaab halkaasi looga dilay 240 Maleeshiyaad ah, sidoo kalena  looga furtay  Hub Badan oo ay ka mid yihiin qoryaha 114 ee nooca AK47,15 BKM, RBD 10. Hoobiyal 120 4 xabbo, B10 10 xabbo,Radiyayaal 7 xabbo, qori zuu ah oo la gubay, bastoolado, bamboo gacmeedyo 23 xabbo ah iyo kuwa kale.
Wasiiraddu waxay kaloo sheegeen in dhinaca Ciidamada Dawladda iyo kuwa AMISOM ay dhimashadu tahay 10 askari, iyagoo tilmaamay wixii kale oo khasaare ah ay dib warbaahinta ugu soo gudbin doonan.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...