Monday 6 June 2016

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta ansixiyay Sharciyo dhowr ah


 
0
SHARE 
Xildhibaanada Golaha Baarlamaaka ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta  ansixiyay  qaar ka mid ah hindise sharbiyeedyo dhowr ah oo xilligaan horyaalla kalfadhigga 8-aad ee Golahaasi.
Ansixinta hindise sharciyeedyadaasi oo kala ahaa habka asaxaabta siyaasadda ee dalka,xanaanada xoolaha iyo dhismaha guddigga madaxa bannaan ee xuquuqul insaanka,ayaa imaanaya xilli uu gaba-gabo ku dhow waqtiga golahaasi iyadoo la tilmaamay in ay weli jiraan hindise sharciyeedyo kale oo sugaya in la meel mariyo
Kulanka baarlamaanka ee maanta oo uu shir guddoominayay guddoomiye ku xigeenka koowaad Mudane Jeylaani Nuur Iikar, waxaa   Xildhibaanada Baarlamaanka  ay maanta sidoo kale akhrinta koowaad mariyeen heshiiska dalalka afrikada bari loogu dhisayo ciidamo gurmad ah.
Wasiirka gaashaandhiga ee xukuumadda Soomaaliya mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini oo maanta hortagay golahaasi,ayaa sheegay in heshiiskaan uu Soomaaliya faa’ido weyn ugu jirto hadii ay kamid noqoto wadamadaasi.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...