Thursday 9 June 2016

120 ka tirsan Maleeshiyada Shabaab oo lagu dilay Halgan


 
0
SHARE 
MUQDISHO(SONNA)–Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa weerar khasaaro badan loogu gaystay waxay ku qaadeen xero ay leeyihiin ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Itoobiya oo ku taala deegaanka Halgan ee Gobalka Hiiraan.
Safaarada Dowladda Itoobiya ee ku taala magaalada Muqdisho ayaa u sheegtay Wakaalada Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA in weerarkaasi ay soo qaadeen Al-Shabaab lagu qaarsiyay khasaaro Badan.
“Weerarkaan Al-Shabaab waxaa looga dilay 120 Maleeshiyaad ah, sidoo kale waxaa looga furtay  Hub Badan oo ay ka mid yihiin qoryaha AK47 oo ka badan Boqol Qori, Garneelada Garbaha laga rido iyo Gaadiid dagaal.” Sidaasi waxaa yiri Kamaaludiin Mustafa oo ka tirsan Safaarada Dowladda Itoobiya ee Muqdisho.
Sidoo kale wuxuu sheega in Al-Shabaab ay Afar jiho ka soo weerareen Saldhigga, laakiin Ciidamada AMSIOM oo u diyaarsanaa inay ka hortagaan weerarada nuucaan oo kale ah ay fashilyeen weerarkaasi.
Al-Shabaab ayaa dhankooda qirtay in weerarkaasi looga dilay maleeshiyaad badan inkastoo faah faahin badan aysan ka bixin, balse Saraakiisha Soomaalida ah ayaa sheegay in maleeshiyaad badan laga dilay Al-Shabab saxaafaddana ay usoo bandhigi doonaan.
Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa horay weeraro  nuucaan oo kale ah waxay ka gaysteen xarumo ay leeyihiin ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowlada Soomaaliya laakiin  weerarkaan ayaa noqday mid ay ku jabeen.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...