Monday 20 June 2016

Ahlusunna oo beenisay inay wada-hadal la galayaan Galmudug


Ahlasunna
Ahlasunna
Muqdisho (RBC Radio) Ururka Ahlusunna Waljamaaca ee gobollada dhexe ayaa beeniyay hadal ka soo yeeray Galmudug oo ku aadan labada dhinac inuu wada-hadal u furmayo.
Cabdullaahi Xirsi Diirshe (Daacad) oo ka mid ah hoggaamiyayaasha sarre ee ururka ayaa u sheegay warbaahinta gudaha inaysan jirin wax wada-hadal ah oo ay la galayaan maamulka Galmudug ee saldigiisu yahay magaalada Cadaado oo ka tirsan gobolka Galgaduud.
“Waa hadal aan sal iyo raad lahayn,mana jirto wax wada-hadallo ah oo an la qaadanay Galmudug,”ayuu yiri Cabdullaahi Daacad oo Ahlusunna ugu magacaabay madaxweyne ku-xigeenka maamulka gobollada dhexe ee xaruntiisu tahay magaalada Dhuusamareeb.
Waxuu ku soo aadaya hadalka xilli dhawaan madaxweyne ku-xigeenka Galmudug,Maxamed Xaashi Cabdi uu sheegay inay wada-hadallo la qaadbayaan Ahlusunna Waljamaaca,walow hadalka ay ka horyimaadeen Ahlusunna.
__
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...