Monday 20 June 2016

Ciidamada Itoobiya oo la wareegay ammaanka magaalada Baydhabo


Madaxweynaha Koonfur-galbeed oo gacan qaadaya sarkaal Itoobiyaan ah,Sawir hore
Madaxweynaha Koonfur-galbeed oo gacan qaadaya sarkaal Itoobiyaan ah,Sawir hore

Muqdisho (RBC Radio) Ciidamada dalka Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa la wareegay ammaanka magaalada Baydhabo oo maalin kaddib uu ka furmayo shirka madasha wada-tashiga Soomaalida.
Goobta uu shirka ka dhacayo iyo meelaha laga soo galo magaalada Baydhabo ayaa lugu arkayay ciidamo badan oo Itoobiyaan ah,waxaa waheliya milliteriga Soomaaliya iyo booliska maamulka Koonfur-galbeed ee saldhigiisu yahay magaalada Baydhabo.
Waxaa magaalada Baydhabo ka furmaya maalinta Arbacada ah oo ay maalin un naga xigto shirka madashada wada-tashiga hoggaamiyayaasha Soomaalida,kaaso looga hadlayo arrimo muhiim ah oo lugu dhammeystirayo doorashada dalka ka dhacaysa dhammadka sanadkan.
Waddooyina magaalada ayaa sidoo kale baaritaano ka socdaan,sarkaal u hadlayay maamulka degmada Baydhabo,waxuu u sheegay wariyaha Raxanreeb in howlgalladan lugu xaqiijinayo ammaanka,maaddama ay madaxda Soomaalida imaanayaan xarunta gobolka Bay ee magaalada Baydhabo.
Illaa berri ayaa la filaya madaxda dowladda faderaalka iyo kuwa maamullada gobollada inay gaaraan magaalada Baydhabo si ay uga qayb-galaan shirka madashada ee Arbacada furmaya.
Ajandayaasha ugu weyn ee shirka lugu soo qaadayo,waxaa ka mid ah dhammeystirka odayaasha soo xulaya ergada dooranaysa baarlamaanka cusub iyo arrimaha farsamada ee doorashada dhacaysa bisha Agosto oo ay labo bil un naga xigaan.
Baydhabo,waa markii ugu horreysay oo lugu qabanayo shirka madashada wada-tashiga oo horay loogu soo qabtay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho,Garoowe iyo Kismaayo.
__
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...