Wednesday 15 June 2016

Ciidamada Xoogga Dalka Iyo Kuwa AMISOM Oo La Wareegay Saldhig Al-shabaab Ay Lahaayeen Deegaanka Yasooman


 
0
SHARE 
Baladweyne,(SONNA):-Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya oo gacan ka helaya Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika Ee AMISOM, ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku heynta Talis ay hore u lahaayeen Ciidamada Dowladdii Dhexe ee Soomaaliya oo ku yaalla Deegaanka Yasooman oo hoostaga Degmada Buulo Barde ee gobalka Hiiraan.
Saldhiggan ayaa ahaa, goobtii ay maleeshiyaadka Al-shabaab ka soo qorsheeyeen Weerarkii todobaadkii hore lagu qaaday Saldhig ay ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Kuwa AMISOM ku lahaayeen Magaalada Halgan, halkaas oo lagu dilay 120 kamid ah Maleeshiyaadka Al-shabaab.
Labo Xidigle Muuse Xasan Garaad oo kamid ah Saraakiisha Hoggamineysa Ciidamada Howlgalka Sameeyay, ayaa Wakaaladda Wararka SONNA u sheegay in Saldhiggan uu Yahay mid Istiraatiiji ah, Iskuna Xira Magaalooyinka Halgan, Buulo Burde iyo Maxaas, islamarkaana aysan wax iska caabin ah kala kulmin Maleeshiyaadkii ku sugnaa Halkaasi oo isaga baxay kahor inta aysan ciidamada Gaarin deegaankaasi.
“si looga hortago weerarrada ay ku talagaleen kooxaha Argagixisada, Bisha Cibaadada ee Alle uu Xarrimay daadinta dhiigga Muslimiinta, ayaan qaadnay Guluf Colaadeed oo ka dhan ah, waxaana ciidamadu ay si nabad ah kula wareegeen deegaanka Yasooman oo Saldhig weyn u ahaa maleeshiyaadka Al-shabaab ee gobalka Hiiraan, waana halkii ay kasoo abaabuleen weerarkii Halgan”. Ayuu Yiri Muuse Afweyne.
Yasooman, ayaa Talis Ciidan u ahaa Xoogga Dalka Soomaaliya, waxa uu hoosta uga jiraa  Buur Weyn oo aad istiraatiiji ugu ah ciidamada islamarkaana u dhaxeysa Magaalooyinka Maxaas, Halgan iyo Buulo Burde ee gobalka Hiiraan.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...