Saturday 11 June 2016

Daawo Sawirada: Miino lagu aasay dhinaca waddada Warshadaha oo ciidanka booliska ay qarxiyeen


 
0
SHARE 
Muqdisho (SONNA)-Ciidamada miino baarista ee booliiska Soomaaliyeed ayaa ku guuleestay in ay qarxiyaan miino lagu aasay dhinaca Laamiga Warshadaha gaar ahaan agagaarka Warshaddi Birta.
Dadka deegaanka oo ka war helay miinada lagu aasay laamiga ayaa ku war galiyay Maamulka degmada Dayniile, kaddibna waxaa halkaasi gaaray ciidamada Miino baarista ee booliiska Soomaaliya.
Gudoomiyaha degmada Dayniile Axmed Nuur Cabdi Siyaad ,ayaa sheegay in Maamulkiisa ay ku guuleesteen fashilinta Miinada lagu aasay  laamiga dhinaciisa kadib markii shacabka deegaanka ay ku soo wargaliyeen miinada lagu aasay halkaasi.
Waxa uu sheegay gudoomiyaha in la doonayay in Miinadaasi lagu lagu dhibaateeyo, shacabka iyo ciidamada hasa ahaatee ay noqotay mid fashilantay, waxa uuna tilmaamay in ciidamada booliiska ay ku guuleeysteen in ay qarxiyaan Miinadaasi.
Maamulka Degmada Dayniile ayaa horey ugu guuleestay in ay soo saaraan qaarkoodna ay qarxiyaan miinooyin hareeraha wadooyin ku yaala degmadaasi lagu aasay, waxaana inta badan xogta miinooyinkaasi wadooyinka lagu aaso maamulka la wadaaga shacabka ku dhaqan degmadaasi.
abcbbbdddggghhtttvvv

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...