Friday 10 June 2016

Daawo Sawirro Iyo Warbixinta Warkii Halgan


 
0
SHARE 
Muqdisho,(SONNA):-Koox Wariyeyaal ah oo la socday Saraakiisha uga sarreysa Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, ayaa maanta gaartay deegaanka Halgan, oo qiyaastii 50Km u jira magaalada Beladweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan.
ujeedka ayaa ahaa Sidii Warbaahinta loogu soo bandhigi lahaa Qasaaraha ka dhashay Weerarkii Alshabaab ay ku qaaseen Saldhigga Ciidamada Amisom ee Deegaanka Halgan.
Taliyaha Ciidamada Ethobia Col. Ayenom Mesfin, ayaa ugu horreyntii faah faahin ka bixiyay sida uu ku billoowday Dagaalkii habeen ka hor ay shabaab ku soo qaadeen Saldhig ay leeyihiin AMISOM deegaanka Halgan.
“Weerar afar jiho ayey nagu soo qaadeen Al-Shabaab, cadowga afarta jiho ee naga sooweeraray waad aragteen waxa khasaaro ee ka soo gaaray, qiyaastii 400 Shabaab ayaa soo weerartay aad bay isu soo abaabuleen balse way ku jabeen, dagaalka wuxuu bilowday waaberigii ( 05:00Am) subaxnimo, wuxuu dhammaaday 09:00Am, subaxnimo”, Col Ayenom.
Afhayeenka AMISOM, Joe Kibet ayaa sheegay in maleeshiyaadka Al-Shabaab aysan saldhiga ciidanka ku soo dhawaan.
“Galabta waxa aanu joognaa saldhiga AMISOM ee Halgan oo ay Al-Shabaab soo weerartay maalinimadii Khamiista, waxan la jiraa taliyayaasha Ciidanka Amisom qaytooda Itoobiya, oo hawl-galkan fuliyey, waxa Shabaabku ku soo wareereen gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey, waxaa lagu qarxiye meel u jirta 200 mitir u jirta saldhiga, kuma soo dhaweyn difaacyadeena, waad soo aragteen waxa sida uga dhacay halkan, kuma soo dhawaan saldhiga waa laga hortagay, nasiib wanaag waxa ay soo weerareen meel difaaceeda sareeyo, waana dacaayada in ay qabsadeen saldhigan”, Afhayeenka Amisom, Joe Kibet ayaa isna madasha ka sheegay.
Maj. Gen. Nakibus Lakara, oo ah Sii Hayaha taliyaha Ciidamada AMISOM ayaa sheegay in 140 katirsan Maleeshiyaadka Al-shabaab lagu dilay Dagaalkii maalin kahor ka dhacay Deegaanka Halgan, tanna ay tahay caddeyn ku filan jabka ay ciidamada AMISOM ay u geeysteen kooxihii argagixisada ee soo weeraray fariisinkooda.
“Marka hore aan u hambalyeeyo Col.Ayenomiyo ciidanka qabtay hawshan aadka loo amaano mudan, casharo Ayaan ka barangay weeraradiihore, Al-shabab waxa ay ka fa’idaysanaysey ducufiga AMISOM, balse waxan awoodnay in aan cashar ka barano, aan wadaagno waayo aranimo, waxan filayaa in  tani ay tahay caddeymo in ciidanka ay cashar dhigeen”, ayuu yiri Maj. Gen. Lakara.
Lakara ayaa sidoo kale Yiri “Xogtooda ayaa la hayey ka hor weerarka, waxa ayna ahayd in ciidanka la tiyaabiyo feejignaantooda,  waxa uu ahaa tusaale dayaargarow oo lagutalay,  ciidanku waa ay feejignaayeen, waxaana macluumaadkaas ay ka heleen dadka deegaanka”,
Sii hayaha Taliyaha AMISOM ayaa sidoo kale sheegay in ay ciidamadu furteen hubkii ay ku soo dagaala tageen Al-shabab.
“guulo weyn ayaa laga gaaray, hub noocyo kala duwanleh baa lagu soo furtay, waxaad sioo kale aragteen maydadkooda way badanyihin, wax maxbuus ah ma jiraan, ”, Taliye Al-Shabaab ah ayaa lagu dilay, kuwani kuwo la tarinkarayeewaaba ay katirabadanyihiin, kuwaa yaa cararay oo dhaawacmay,haddii 3-kilometer hore loo baxo waxaa la helayaa meydad horleh,ayuu sidoo kale hadalkiisa Raaciyay.
Degmada Halgan ayaa u jirta magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan qiyaastii 50-tan KM, waxaana ay u dhaxaysa magaalada Beledweyne iyo Bula-burte isla gobalka Hiiraan, waana magaala ay buuro ku hareeraysan yihiin, meesha uu dagaal ku dhacay waxa ay ahayd meel labada dhinac iska arkayaan oo oodna u dhaxaynin.
DSCN0199DSCN0200DSCN0201DSCN0202DSCN0204DSCN0206DSCN0207DSCN0208
DSCN0131DSCN0130DSCN0129DSCN0126DSCN0125DSCN0124DSCN0123DSCN0122DSCN0121DSCN0120DSCN0119DSCN0115DSCN0114DSCN0109DSCN0106DSCN0093DSCN0092DSCN0091DSCN0084DSCN0085DSCN0074DSCN0072DSCN0296DSCN0287DSCN0271
Isha: SONNA

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...