Monday 20 June 2016

Guddigii loo saaray baaritaanka raashiinkii WFP oo war-bixin soo saaray


 
0
SHARE 
Muqdisho.SONNA: War-saxaafadeed Guddigii ay dowladdu u saartay baarintaanka Raashiin lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, ayaa maanta soo bandhigay warbixin ku aaddan in Rashiinkii la qabtay ay lahayd hey’adda WFP.
Guddiga ay dowladdu u saartay baaritaanka Raashiin dhacay oo lagu qabtay garoonka Muqdisho 17-kii May iyo 14-kii June ee sanndkaan, kaas oo ay ku wada jiraan wasaaradaga Arrimaha, Gudaha Xeer ilaaliyaha Qaranka, Wasaaradda Beeraha iyo taliska Ciidammada Booliska Soomaaliyeed, ayaa kormeerro ay ugu kuurgalayeen xaaladda keydka hey’adda WFP ee magaalada Muqdisho, si ay u xaqiijiyaan eedeyn loo jeediyey hey’addaasi.
“Guddiga oo si taxadar leh u fulinaya howshii ay Xukuumaddu u xil saartay, ayaa kormeerray keydka ay hey’adda WFP ku leedahay Dakedda Muqdisho, halkaas oo lagu hubiyey Raashiinka ku keydsan, iyadoo raashiinkaasi la xaqiijiyey in uu yahay midka wax soo saarka Soomaaliya oo laga iibiyey Beeraleyda Soomaaliyeed, tayadiisuna ay aad u wanaagsan yahay, guddiga xaqiijinaya in Keydkaasi dhammaan raashiinka ku jira uu yahay in wanaagsan”.
Sidoo kale guddiga oo ku howlan baaritaannada, ayaa kormeerray Raashiin ku jira Koteennaro yaalla garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, kaas oo qaarkood ay wasakheeyeen roobabkii da’dayey maalmahan, hasa yeeshee Tayo ahaan aad u wanaagsan.
Guddiga, ayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed u xaqiijinaya in raashiinka magaalada Muqdisho hey’adda WFP in uu yahay mid wanaagsan oo ka madax bannaan eedeymaha loo jeediyey.
rashinkii wfpp ee la qabtay (1)
rashinkii wfpp ee la qabtay (10)
rashinkii wfpp ee la qabtay (9)
rashinkii wfpp ee la qabtay (8)
rashinkii wfpp ee la qabtay (7)
rashinkii wfpp ee la qabtay (6)
rashinkii wfpp ee la qabtay (5)
rashinkii wfpp ee la qabtay (4)
rashinkii wfpp ee la qabtay (3)
rashinkii wfpp ee la qabtay (2)
Sawir Qaade : Cabdi Qadar Catoosh

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...