Monday 20 June 2016

Maleeshiyaadka Kooxda Al-shabaab oo Qarxiyay Ceel Biyood ku yaala Tuulada Mubaaxa


 
0
SHARE 
Adanyabaal(SONNA)—Alshabaab ayaa Qarxiyay Ceel biyood ay ku tiirsanaayeen dadaka Tuulada Mubaax,oo  dhacda inta u dhaxaysa Aadan yabaal iyo Mokhokori, ka dib markii ay la dagaaleen Dhalinyarada Deeganaka oo is abaabulay, waxaana dagaalkaasi lagu dilay Seddex ka mida Maleeshiyaadka Argagaxisada.
Gudoomiyaha Degmada Maxaas Muumin Maxamuud Xalane ayaa Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed SONNA u sheegay , in arrinta ay ka dhalatay ka dib markii kooxda Shabaab iyo Dadaka Tuulada Mubaax uu dhex maray dagaal, kaasi oo seddex ka mida maleeshiyaadka lagu dilay.
Gudoomiyaha Muunin waxaa uu intaas ku daray in kooxda Shabaab ay weerar kale ku soo qaaday Tuulada iyaga oo helay gurmad dheeraad ah, waxayna ugu danabayn Miino ku Qarxiyeen  Ceelkii dadka tuulada ay cabi jireen.
Kooxda Shabaab ayaa had iyo jeer u taagan dhibaataynta Shacabka Soomaaliyeed iyaga oo Qaraxyada iyo dilalka ka sokoow  waxyaabaha bulshada ay ku tiirsan tahay burbiriya Sida Ceelasha Biyaha, mana ahan markii ugu horaysay oo ay Ceel biyood ka qaxriyaan deegaanada ay ku sugan yahiin.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...