Saturday 18 June 2016

Puntland oo xukun dil ah ku ridey 43-dagaal-yahan oo ka tirsan al-Shabaab (Dhagayso)


3-6
Garoowe (RBC Radio) Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa dil toogasho ah ku xukuntay 43 qof oo al-Shabaab ah kuwasoo lagu qabtay dagaalkii bishii Maarso ee sanadka dhexmaray ciidamada Puntland iyo dagaallamayaal ka tirsan al-Shabaab.
Xeer Ilaaliyaha maxkamada ciidamada qalabka sida ee gobolada Nugaal iyo Sool ee dowladda Puntland, Cabdullaahi Xersi Cilmi ayaa xukunkaas maanta ku dhawaaqay kadib markii uu shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe.
Xeer Ilaaliyaha ayaa sheegay in xukunka ay maxkamada u fadhiisatay dhowr cisho iyadoo maxaabiista tiradoodu ay ahayd 45 balse laba ka mid ah ay reebtay maxkamada kuwaasoo da’doodu ay yar tahay.
Wuxuu sheegay 43-ka maxaabiista lagu xukumay dil toogasho iyadoo loo cuskaday xeerka ciqaabta Soomaaliyeed, waxaana la siiyay inay racfaan ku qaadan karaan muddo bil ah.
Xeer Ilaaliyaha maxkamada ciidamada qalabka sida ee waxuu sheegay ragga la xukumay inay qirteen inay ka mid ahaayeen ururka al-Shabaab ee ku soo duulay Punland ayagoo dilay 24 askari oo ka tirsan ciidanka Puntland isla markaana dhaawacay 72 askari.
Hoos ka dhageyso xeer ilaaliyaha maxkamada ciidamada qalabka ee Puntland

Audio Player

__
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...