Saturday 18 June 2016

Shirka madasha wada-tashiga hoggaamiyayaasha Soomaalida oo Isniinta Baydhabo ka furmayo iyo guddoomiye Jawaari oo maanta gaaray


2016618636018320535761893Jawaari_oo_gaaray_Baydhabo_660
Muqdisho (RBC Radio) Shirka madashada wada-tashiga hoggaamiyayaasha Soomaaliya ayaa lugu wadaa 20-ka bishan oo ku beegan Isniinta inuu ka furmo magaalada Baydhabo oo saldhig u ah maamulka Koonfur-galbeed.
Qaban-qaabada loogu diyaar garoobayo shirka ayaa ka socota magaalada Baydhabo,waxaana maanta gaaray guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya,Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo mas’uuliyiin kale oo dowladda ka tirsan.
Guddoomiyaha ayaa markii uu soo gaaray Baydhabo,waxuu booqday xarunta lugu qabanayo shirka madasha wada-tashiga hoggaamiyayaasha Soomaalida,halkaasoo ay ka socoto howlo loogu diyaar-garoobayo qabashada shirka.
Waxaa la sheegay wafdiga guddoomiyaha baarlamaanka inay horu-dhac u yihiin mas’uuliyiinta la filayo inay shirka madasha wada-tashiga kaga qayb-galaan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.
Mas’uuliyiinta maamul-goboleedyada dalka ayaa lagu wadaa illaa berri inay tagaan Baydhabo, si ay Isniinta ay uga qaybgalaan madasha oo si rasmi ah u furmi doona,sida ay sheegen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.
Docda kale,madaxweynaha dowladda faderaalka ah ee Soomaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud oo safar caafimaad ugu maqan waddanka Jarmalka ayaa isagana lagu wadaa inuu maanta dib ugu soo laabto dalka.
Shirka ka dhacaya Baydhabo,waxuu dabo socda kulamadii hore ee hoggaamiyeyaasha madasha wada-tashiga qaranka ee arrimaha siyaasadda iyo qabsoomidda doorashooyinka sanadkan dalka ka dhacayo.
__
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...