Wednesday 15 June 2016

Timirta iyo Ramadaanka


 
0
SHARE 
Sidaan wadda ognahayba timirtu waa shay aad loo cuno khaasatan bisha Ramadaan ee aan hadda ku jirno iyo waliba xiliyada la soomo, waana wax aad u macaan oo dhadhanka u roon, balse timirtu halkeey ka timaadaa? maxayse tartaa?
Timirtu waxay ka baxdaa dhulka saxaaraha ah ama lama dagaanka ah, khaasatan dhulka waddamada Carabta. Timirtu waa shay Kitaabi ah oo Quraanka Kariimka ah ku sugan iyo waliba Sunnada Nabiigeena Suuban (SCW). Taasni waxay kuu cadaynaysaa  wanaaga iyo faaiidada ay leedahay in aan la koobi karin maadaama Kitaabka Rabbi(SWT) iyo Sunnada Nabigaba (SCW) lagu xusay.
Waxaa Nabigga (SCW) laga wariyey isagoo tilmaamaya wanaaga ay timirtu leedahay in uu yidhi:
“(قال رسول الله صلى الله عليه وسلم ( بيت لاتمر فيه جياع أهله ” oo macneheedu yahay; guri aanan timir oolin waa guri reerkiisu baahan yahay, balse  haddii aan gudagalno faaiidada ay leedahaya Timirtu, waa miro qof uu ku noolaan karo kaligeed, iyadoo uu qofku ka heli karo nafaqo dhameystiran haddana isku dheelitiran.
Faa’iidooyinka lagu sheegay timirta waxaa ka mid ah caloosha oo ay socodsiiso. waxay sidoo kale u fiican tahay xanuunada  sida wadnaha, dhiig la’aanta, shubanka, kansarka ku dhaca mandhicirada caloosha, sidoo kale haweenka uurka leh iyo dhibaatooyinka la xariira taranka iyo kuwa kaleba, iyadoo la tlmaamay in Timirta ay ku jira dhawr walxaad sida fitamiino iyo macdanba (minerals).
Nafaqooyinka ku jira timirta waxaa ka mid ah:-kalshiyamka,birta dhiiga (iron),phosphorus,soodiyam botaasiyam,magneesiyam iyo zinc oo sidoo kale ku jira.
Dhinaca fitamiinka waxaa iyana ka mid ah waxyaabaha loo yaqaan afka ingiriisiga hiamin,riboflavin,niacin,folate,vitamin A iyo vitamin K, kuwaasoo dhamaanba ahmiyada kala duwan iyo kuwa gaar ah ba u leh jirkeena.
Timirtu waxyaabaha kale ee ay hodan ku tahay waxaa ka mid ah: Dhisida Murqaha marka uu qofka jidhkiisa dhaawac soo gaadho ama xanuun, waxa ay timirtu u roontahay aragga indhaha, khaasatan kuwa waxa habeenisoowga loo yaqaan leh ee la xariira madowga iyo xiliyada habeenkii, waxay ka hortagtaa Cholesterolka dhiiga ee dufanka xun ah iyo in xididda dhiiga qaada ayna qalalin ama dhaawacmin. Taasna waxaa keenaya maadama  Pectin oo burburisa Cholesterolka iyo waliba ka ilaalisa xiddada dhiiga inay wasakhdu fadhiisan.
Waxay kaloo timirtu dawaysaa xanuunada waddnaha ku dhaca iyo awood darida la xidhiidha ironta jidhka, taasna waxaa keenaya maadama Magnanicium iyo Copper ku jiro timirtu.Timirtu waxay dawaysaa anemia ama dhiigla´aanta maadama ya ku jiraan waxayaabaha kobciya dhiiga oo ay ka midyihiin Iron, copper iyo vitamin B2.6 – Waxay daawaysaa inay lafuhu burburaan ama ay noqdaan kuwa bilaa awooda iyo waliba cudurada la xidhiidha lafaha, maadama ay ku jiraan maadooyinka u fiican lafaha oo ay ka midyihiin Calcium, Phosphorus iyo Vitamin A, waxa ay timirtu ka hirtagtaa cudurada ku dhaca xiidmaha Cancer ka xiidmaha iyo waliba waxay baabiisaa unugyada dhintay ee noqda bawaasiirta la xidhiidha ciladaha dheefshiida maada ay ku jirto timirta Fiber iyo vitamin B1 oo aad u nadiifiya dheefshiida iyo burburinta cuntadana sahla.
Waxay kale oo ku jira timirta Salinium oo ka hortaga Cancer ka noocuu doonaba ha noqdee.Waxaa kale oo ku jirta Maadada Poron oo daawaysa Rheumatism ka iyo Cancer ka Maskaxda.
Timirtu waxay u fiican tahay hurmuunada waxayna kobcisa qaadista uurka iyo dhalmada,  waxay timirtu u roontahay saxida appetite ama doonista cuntada maadada ay ku jirto Potassium ee kobciya unugayada  appetite ka, Timirtu waxayaabaha kale ee ay daawayso waxaa ka mid ah itaaldarada hamiga (galmada), Timirtu waxa kale oo ay u fiican tahay ilkaha iyo daryeelka afka maadama uu ku jiro Fluoride ka ilaaliya ilkuhu inay dheeh dhacaan ama suus galo, .waxa ay timirtud qani ku tahay vitamin A, kaasi oo ka hortaga qalaylka dubka iyo kobcinta idhaha.
Timirtu waxay ka ilaalisaa Jidhka sunta iyo waxyaabaha loo yaqaano free redicals oo wasakhda iyo sunta dhiigga waayo waxaa ku jira Sodium, Potassium iyo Vitamin G oo jidhaka sunta iyo wasakh kasta ka saara, iyo waxay daawaysaa inay timuhu daataan ama nabaad guuran , in indhaha hoostooda daal ka muuqdo ama midab doorsamaan, in ay dabnuhu qolof dhacaan oo ay waliba qalalaan iyo Timaha daata iyo infection ka dabnaha waayo waxaa ku jira Vitamin B2 oo u fiican xaaladahaas, waxa ku jirta Maado daawaysa Infection ka maqaarka, Timirtu waxay daawaysaa gaaska caloosha noocoyo badan oo ka mid ah waayo waxa ku jira Chlor, Sodium iyo Potassium oo u roon saxida gaaska caloosha,  waxay kaloo daawaysaa Xanuunada Ciridka waayo waxa ku jirta Maadada Vitamin G.Vitamin G waa kan loo yaqaano Riboflavin oo isaganu daaweeya xanuunadan oo dhan. Timirtu intaa iyo in aan la koobi karin bay qani ku tahay waxaas oo cilad iyo xanuun kor ku dhigana way dawaysaa.
Waa noocee noocyada uugu fiican timirta?
Waxaa Nabigeena Suuban (SCW) laga wariyey in uu yidhi: Timirta Madiina ee Cajwaan loo yaqaabo oo timiraha kale ka duwan in qofkii cunaayi subuxii 7 xabbo , inuu maalintaasi uu cunay uu ka badbaadayo sun, sixir iyo waxkasta oo caafimaadkaaga khalkhalin kara.
(من تصبح بسبع تمرات، لم يضره ذلك اليوم سم ولا سحر)
Timirtu waa cunnada ugu haboon ee lagu furo soonka caafimaad ahaan sababtoo ah waxay u roontahay dheefshiidka, waana cunnada sida tartiibka ah calooshu u shiido, waxaa intaa sii dheer inay dheecannada iyo fitamiinada jirka ku jiro ay isu dheelli tirto markuu qofka muddo gaajaysnaado, waxayna sare u qaadaa appetite-ka qofka iyadoo gaajada si dhakhso ah u yarayso, waxaa intaa sii dheer inay gaaska iyo aashitada caloosha ay ka ilaaliso inay dhaawac gaarsiiso dahaarka caloosha, sidaas awgeed waa in aan ku dadaalnaa in soonka aan ku afurnaa timir anagoo sunanda nabigeena suuban raacayno.
W.D. C/lahi Ruush  

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...