Monday 13 June 2016

Xarun Lagu Dhaqan Celiyo Maleeshiyaadka Alshabaab Oo Laga Furay Kismaayo


 
0
SHARE 
Kismaayo(SONNA):-Xaruntan oo ay maanta si wadajir ah u dhagax dhigeen Guddoomiyaha gobolka Jubbada Hoose Cabdirashiid Cabdullaahi Cali Goonni iyo Agaasimaha Waaxda Dhaqan Celinta maleeshiyaadka ee Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maalig Cabdalla ayaa lagu dhaqan celin doonaa maleeshiyaadka Al-shabaab kuwooda isa soo dhiiba.
Xaruntan waxay ku taalaa xeradii hore ee Mariiniska ciidamada Badda Soomaaliya ee magaalada Kissmaayo iyadoo xaruntani ay burbursaneyd muddo kaban 20 sano, ayaa hada laqorsheynayaa in dayactir lagu samayo.
Gudoomiyaha gobolka Jubada hoose Cabdirashiid Gooni ayaa sheegay inay arintani wax badan ka bedeli doonto fikirka malayshiyaadka ay qaldeen kooxda Al-Shabaab.
Agaasimaha Waaxda dhaqan celinta maleeshiyaadka ee Wasaaradda Amniga Soomaaliya Maalik Cabdalla ayaa dhankiisa faahfaahin ka bixiyay xaruntan cusub waxuuna sheegay xaruntan dhaqan celinta maleeshiyaadka ay door weyn ka ciyaari doonto la dagaalanka fikirka Argagixisada kaa soo ay shabaab ku maran habaabiyaan Umada Soomaaliyeed.
Kooxda Al-shabaab ayaa adeegsata dhalinyaro badan oo ay fikirka ka xadeen waxaana iminka lagu howlan yahay sidii dhalinyaradaasi loogu soo celin lahaa tubta toosan.
W/D:-Dahir Abdulle

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...