Tuesday 8 November 2011

Dilla: Madax Dhaqameedka, Waxgaradka, Aqoonyahanadda Iyo Maamulka Degmadda Dilla OO Si Adag U Cambaareeyay Koox Dhowaan Ku Dhawaaqday Awdal State



"Hadaanu nahay reer Dili waxaanu aad iyo aad uga xun nahay isla markaana ka soo horjeednaa kooxda calooshooda u shaqaystayaasha ah ee ku adeeganaya magaca..."

Dilla (GNS) Madax Dhaqameedka, Waxgaradka, Aqoonyahanadda Iyo Maamulka Degmadda Dilla Ee Gobolka Awdal, ayaa Si kulul Maanta u cambaareeyay koox Dhowaan Dalka Dibadiisa kaga Dhawaaqaday Awdal State. 

Masuuliyiintani waxa ay sheegeen reer Dili aad iyo aad uga xun tahay isla markaana ka soo horjeedo kooxda calooshooda u shaqaystayaasha ah ee ku adeeganaya magaca beesha iyo kan gobolkaba ee ku dhawaaqday Magaca Awdal State. 

Masuuliyiintan ayaa sidaas ku sheegay Bayaan ka Soo Baxay Maanta, kaas oo Nuqul ka Mid ahi Soo gaadhay Xafiiska Wararka ee Gabiley News, Isla markaana ay ku Saxeexan Yihiin 
21 xubnood oo ka mid ah maamulka degmada iyo waxgaradka Beesha Dilla 

Bayaankan oo dhamaytirana waxa uu u dhignaa Sidan. 

“Anaga oo ku hadlaya codka maamulka degmada Dila , salaadiinta ,cuqaasha,wax garadka iyo dhaliyarada degmada Dilla waxaan halkan ka cadaynayaa in bulshada reer Dili aad iyo aad uga xun tahay isla markaana ka soo horjeedo kooxda calooshooda u shaqaystayaasha ah ee ku adeeganaya magaca beesha iyo kan gobolkaba ee ku dhawaaqday waxay ugu yeedheen Awdal State. 

Arrintaasi oo lidi ku ah dastuurka qaranimada Somaliland Jamhuuriyada Somaliland isla markaana abuuraysa kalsooni darro beelaha Somaliland iyo xukuumada, taas oo haddii ay u socoto sida loo dhigay dhaawacaysa nabadgalyada gobolka Awdal. 

Magacyada Maamulka degmada iyo waxgaradka saxeexay war saxaafadeedkaasi waxay kala yihiin. 

1. Ibraahin Cabdi Xaaji Gudoomiyaha Degmada Dilla 
2. C/Salaan Xaaji Xirsi gudoomiyaha maxkamada degmada Dila 
3. C/laahi MaxamedXuseen G/ku-xigeenka degmada Dilla 
4. Carab C/laa Obsiiye Xoghayaha fulinta degmada Dilla 
5. Bashiir Cumar Maydhane Taliyaha saldhiga degmada Dilla 
6. Cabd Xaamud Sheekh Kaaliyaha maxkamada degmada Dilla 
7. Suldaan Nuur Axmed Jibriil 
8. Caaqil Muuse Axmed Xasan 
9. Caaqil Cismaan Xirsi Mixile (Hirad) 
10. Caaqil Siciid Ismaaciil Xaaji 
11. Caaqil Daahir Xuseen Sheekh 
12. Caaqil Cabdi Axmed Shirdoon 
13. Caaqil Cali Ibraahin Maxamed 
14. Cali Muuse Warsame 
15. C/xakiin Dagaal Madar 
16. C/Shakuur Aw Cali C/laahi 
17. Farxaan Faarax Xasan 
18. Shucayb Aadan Xuseen 
19. C/qani C/laahi Boqore.” 
20. Maxamed Axmed Bade 
21. Axmed Yuusuf Aadan 

Gabiley News Desk 
Contactgabiley@yahoo.com 

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...