Saturday 12 November 2011

Ehelada Marxuum Xasan Waloore oo Puntland ku Eedeeyey inay Siidaysay Dadkii ka Dambeeyey Dilkii Nabadoonka (Dhageyso Wareysi)

Share
Marxuum Xasan Waloore Waxaa la dilay 07-08-2011
Gaalkacyo (RBC) Ehelada Allah ha u naxariistee Marxuum Xasan Xuseen Maxamed [Nabadoon Xasan Waloore] oo lagu dilay magaalada Gaalkacyo 07/08/2011 ayaa shaaca ka qaaday in dadkii soo abaabulay dilkii Marxuumka ay weli ku sugan yihiin magaalada Gaalkacyo isla markaana dawladu ay siidaysay qaarkood.
C/laahi Maxamed Cali oo ka mid ah ehelada Marxuumka oo maanta la soo xiriiray RBC Radio ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin in maxkamada Garowe oo qaaday dacwada dilka Marxuumka markii ay cadaatay ka dib dadkii lagu heley kiiska dilka la siidaayey.
“Markii dilku marxuum [Xasan Waloore]uu dhacay waxay beeshu qabatay ninkii dilkaasi geystay, wuxuu sheegay cidii soo dirsatay oo amarkaan soo siisay oo barnaaamijkaan u soo hawlgelisay. Markii aan xogtaasi ogaanay dawlada Puntland ayaan xogtii siinay, waxay qabteen labadii qof ee dhibtaa soo maamushay… bacdamaa ay ogaadeen dhibkii in labadaan qof ku cad yahay maxkamad ayaa la keenay, maxkamadii ayaa markaasi waxay u dhaqantay si aanan ku raali noqon aan aad iyo aad uga xunahay” ayuu yiri C/laahi Maxamed Cali.
Labad ruux ee la siidaayey
C/laahi wuxuu sheegay in labada ruux ee dawladu siidaysay ay yihiin nin hore uga tirsanaa shaqaalaha dawlada hoose ee Gaalkacyo iyo haweeney hotel ku leh Gaalkacyo, wuxuuna sheegay in masuuliyiinta dawlada Puntland ay lug ku leeyihiin siidayntooda.
“Anagu horta labadaan qof waxaan ku cadeyneynaa.. qofka dembiga galay markii aanu wareysanay wuxuu cadeeyey in cid kale oo soo dirsatay aaney jirin, baaritaan dheer markii dawladu sameysay oo mudo dheer la waday raadkii meel aan labadaa qof ahayn kuma cadaan” ayuu yiri C/laahi.
AMA
Cadeymo laga helay gacan ku dhiiglihii
C/laahi Maxamed Cali wuxuu RBC Radio u sheegay in ay hayaan cadeymo dukuminti ah oo isugu jira qoraal iyo muuqaal ay ka heleen ninkii falka dilka ah u geystay Marxuum Xasan Waloore ayna jecel yihiin haddii loo baahdo inay soo bandhigaan si ay markhaati-kac ugu noqoto dooda ay ehelada marxuumka qabaan.
Wuxuu sheegay in maxkamada Garowe ay dil ku xukuntay ninkii dilka geystay isla markaana lagu fuliyey taasoo burburisay cadeymo dheeri ah oo uu ninkaasi bixin lahaa. Waxayna ehelada Marxuum Xasan Waloore ku tuhmeen in dad masuuliyiin ah oo ka tirsan maamulka ay lug ku leeyihiin kiiskan.
Ugu dambeyn wuxuu nasiib daro ku tilmaamay in maamulku uu wax ka qaban waayo dhibaatooyinka noocan oo kale isla markaana halkii ay ahayd in la miciinbido ay sartu ka qurunsan tahay.
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...