Monday 21 November 2011

Faah-Faahin Ka Soo Baxeyso Markab Dagaal Oo Kenya Looga Gubay Badweynta Hindiya


Share
Nairobi (RBC) Wararka Ka immanaya Xeebaha Soomaaliya ee kulaala badweynta Hindiya, waxa ay sheegayaan in dagaallo uu ku dhexmaray ciidamada Kenya iyo Al-Shabaab,
Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo watta doomo dheereeya ayaa weerar ku qaaday labo markab oo ay lee dahay dowlada Kenya kuwaas oo ku sugnaa xeebaha Koonfureed Soomaaliya.
Wararka waxa uu intaas ku darayaa maraakiibta la weeraray in ay ku sugnaayeen jasiirradda Madhawa oo ku taalla xeebaha Jubbooyinka,
Dad deeganka ayaa sheegay dagaal in ka badan 30-daqiiqo in uu aagaas ka dhacay, waxana la gubay mid ka mid ahaa maraakiibtii halkaas ku sugneeyd, ma jirro faah-faahin kale oo intaas dhaafsan oo aaga wax ay ka dhaceen laga helay.
Si kastaba, saraakiil u hadlay Al-Shabaab waxa ay saxaafada u sheegeen in ay dowlada Kenya ka gubeen markab dagaal in kastoo aysan sheegin qasaaraha dhinacooda ka soo gaaray dagaalkii shaley ka dhacay xeebaha Koonfureed ee Soomaaliya.
Kenya ayaa ciidan badda iyo dhulka waxa ay bishii la soo dhaafay u soo daabushay koonfurta Soomaaliya si ay ula dagaalanto Al-Shabaab oo ay ku eedeesay in ay afuubyo gudaha dalkeeda ay ka geesteen.
Waxan kaloo jirin wax war ah oo illaa hadda dowlada Kenya ka soo soo saartay sheegta Al-Shabaab in markab dagaal oo Kenya in ay gubtay.
Kenya ayaa hadda raadineysa ololo ballaaran oo lagu taageero dagaalka ay wado qeybo ka mid ah gobalada konfureed ee Soomaaliya
RBC.Radio Nairobi

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...