Saturday 5 November 2011

SAWIRADA:- Ciidamada dowladda KMG oo gacanta ku dhigay rag watay 200 oo bisadood (ARIN YAAB BADAN).


Posted by Shaam on November 05 2011 21:47:06
Ciidamada dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa maanta waxay gacanta ku dhigeen 5 ruux oo iyagu gaari ku watay ku dhawaad 200 oo bisadood, iyadoona la garan waayay waxa ay bisadahaan ka damacsanaayeen.

Dadkaan ayaa waxay wateen gaari Homey ah oo sida aad sawirka hoose ku aragtaan dhinacyada shabaqyo uga soo xiray si aysan bisadaha uga baxsan, iyadoona arintaan ay aad ula yaabeen inta muuqaalkaan aragtay iyo intii maqashay.

Arintaan ayaa waxay ka dhacday magaalada Muqdisho, waxaana weli saraakiisha ciidamada dowlaadda KMG ee Soomaaliya aysan faah faahin dheeri ah ka bixin bisadahaan iyo halka loo waday iyadoona weli nimankaan la baaraayo.

Bisadahaan oo baahi lagu dilay ayaa markii ay arkeen dadka agtooda imaanaaya waxay noqdeen kuwo isku daya inay meesha kasoo baxaan, iyadoona ay sidoo kale qaarkood ay haysay baahi aad u daran.

Hadaba raga waday bisadaha ayaa lagu sheegay inay ahaayeen ilaa 5 ruux, waxaana ilaa iyo haatan soconaaya baaritaano ku aadan waxa lala damacsanaa bisadahaasi ee laga soo buuxiyay gaariga, iyadoona arintaasi su'aalo laga weeydiinayo ragii waday bisadaha.

DAAWO SAWIRADA.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...