Monday 7 November 2011

Sheekh Xasan Daahir oo Fariin Culus U Diray Beelaha Abgaal Majeerteen iyo Ogaadeen (Dhageyso)


 
Share
Muqdisho (RBC Radio) Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ah sargaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa fariin culus u diray sadax beelood oo ka mid ah ah beelaha Soomaaliyeed kuwaasi oo kala ah Abgaal Majeerteen iyo Ogaadeen.
Beesha Abgaal
Sargaalkaan ka tirsan Al-Shabaab ayaa ugu horayn wuxuu fariin u diray beesha Abgaal oo ka mid ah beelaha Daga Muqdisho, wuxuuna ku eedeeyay Beeshaasi in ay dalka ku soo hogaamisay cadow waa sida uu hadalka u dhigaye.
“Cali Mahdi ayaa hada ka hor Dalka ku soo hogaamiyay Unisom Sidoo kale Cali raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa dalka ku soo hogaamiyay ciidamadii Itoobiya Ciidamada AMISOM ee hada joogana waxaa soo hogaamiyay Shariif Sheekh Axmed’”Sidaa waxaa yiri Xasan daahir Aweys.
“wadii aanan lees daba qaban taariiq ayaa qormaysa hadii aad ku qorantaan cadow kalkaal adinkoo waliba Abgaal ILAAHAY uu siiyay quraan oo ay dadka kale ka quraan badanyihiin, xataa faasiqooda iyo faajirkooda waa xaafidu Quraan, Maxaa idin daba dhigay Cadowga maxaa u kaashanaysan mase Quraankaa kursiga ka weyn,” ayuu hadalkiisa uu ku siidaray.
“war Shariif Ka  hara war Nuur Cade Ka Hara war Cali Geedi ka hara war wiilashaasi Gaaladu ay wadato ka hara war ka soo hara waan ku adkaynayaa”Xasan Daahir ayaa hadalkiisa ku siidaray.
Beesha Majeerteen.
Wuxuu sheegay in uu jiro qabiil labaad oo Qatar ah isla markaana ka sii horeeya Abgaal kaasi oo uu ku sheegay in uu yahay Qabiilka Majeerteen wuuna sheegay in ay soo hor kaceen ciidamo shisheeye.
Wuxuu sheegay in hada ka hor madaxweynihiin hore ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed uu dalka soogaliyay ciidamo itoobiyaan ah isla markaana ay dalka qabsadeen oo ay calankooda surteen.
Sidoo kale sargaalkaan ka tarsan Al-Shabaab horayna u ahaa hogaamihii ururkii bur buray ee Xisbul Islaam ayaa wuxuu sheegay in Raysal wasaaraha Soomaaliya iyo waliba madaxweynaha Puntland aysan ka okeyn C/laahi Yuusuf.
“Fidno ayuu wadaa faroole waxaan leeyahay ILAAHAY ka baqa oo iska daaya gaalada aad u sii dhowaanaysaan’”ayuu hadalkiisa ku siidaray Sheekh Xasan Daahir.
Beesha Ogaadeen
“Waxaa jirta beel aan meelna oga caadifaysanayay meelna aan ku diidanahay waa Ogaadeen ama Absame sidii ay safka ugu jireen cadowga ugu siijeedeen intaasi oo sano ayaa hada waxey bilaabeen in ay cadowga la soo saftaan.
Xasan Daahir ayaa Wuxuu ku eedeeyay Ogaadeen in ay ka soo horjeesteen safkii ay ku jireen isla markaana ay haatan wadaan balaayo waa sida uu hadalka u dhigaye.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...