Tuesday 1 November 2011

Weerar lagu qaaday Ciidanka Kenya oo galabta ka dhacay Jubbada Hoose.


somalimemo.netKhasaara culus ayaa ciidanka Kenya kasoo gaaray weerar gaadmo ah oo ay kala kulmeen cutubyo katirsan ciidanka wilaayada islaamiga Jubbooyinka.

Galabta casar liiqii ayay Jeyshka Shabaabul Mujaahidiin wadada ugaleen kolonyo katirsan ciidanka Kenya oo ku socdaalayay wadada isku xirta Haawinaa iyo Dhoobley.

Sida uu weriyaheena Jubbooyinka nagusoo gaarsiiyay ciidamada Kenya oo watay 9 gaari uu nuuca dagaalka ah ayaa loo galay wadada waxayna mujaahidiintu la heleen gantaalada garbaha laga gemo.

Markii kamiinkaasi dhacay ayay ciidamada Mujaahidiinta dagaal toos ah lagaleen ciidan kale oo Kenya katirsan kuwaasi oo waddo qarda jeex ah marayay.

Gaadiid ciidanka Kenya laga gubay ayaa yaal dhulka Howd-ka ah waxaana lamaqlayaa rasaas ay is dhaafsanayaan mujaahidiinta iyo ciidan loo maleynayo in ay saaranyihiin gaari lugaha laga banjariyay.

Wixii soo kordha dib kala soco.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...