Thursday 16 June 2016

Kenya oo xirtay xadka ay la wadaagto Soomaaliya


Kenya,waxay ciidamo keentay xadka Soomaaliya
Kenya,waxay ciidamo keentay xadka Soomaaliya

Muqdisho (RBC Radio) Ciidamo badan oo Kenyaan ah ayaa la soo dhoobay xadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya,kaaso hadda la xiray,sida laga soo xigtay dadka deegaanka.
Dowladda Kenya ,waxaa ay xirtay xadka dhinaca gobolka Gedo ee ay la wadagto Soomaaliya,mana jiro wax isku socod ah oo ka dhex jira deegaannada Baled-xaawo iyo Mandheere oo ka kala tirsan Soomaaliya iyo Kenya.
Xadka ay xirtay Kenya ayaa markiiba saameeyay dadka ku nool xadka labada dal oo markii hore isku gudbi jiray,Saameynta ugu weyn waxaa ay soo gaartay ardeydii wax ka baran-jirtay dugsiyadda ku yaalla Mandheere.
Kenya ayaa sidoo kale ku howlan dhismaha darbi dheer oo xiraya xadduudka ay la waagto Soomaaliya,kaaso markii uu soo shaac baxay muran xooggan ka dhex dhaliyay labada dal.
Dowladda Kenya waxaa ay horay u sheegtay in khataro ammaan oo uga imaanaya xadka ay la wadagto Soomaaliya inuu ku qasbayo dhismaha darbiga kala xiraya labada dal.
Wax-yaabaha hadda ku soo aadiyay xiritaanka xadka ayaan la oggeyn,waxaase uu ku soo aadaya xilli la filayo bisha September ee sanadkan inay billaabato dhageysiga dacwada muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya oo ay maxkamadda dambiyadda caalamiga ah u gudbisay dowladda dhexe ee Soomaaliya.
Kenya,waxaa kalo ay dhawaan shaacisay inay xireyso xeryaha qaxootiga Dhadhaab oo ay ku nool-yihiin boqollaal kun oo Soomaali ah,inkasto hadda ay socdaan dadaallo lugu doonayo in Kenya ay go’aanka ka noqoto.
__
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...