Thursday 16 June 2016

Puntland oo billowday maxkamadeynta dagaal-yahanno ka tirsan al-Shabaab


Qaar ka mid ah maxaabistii lugu soo qabtay dagaalkii bishii Maarso
Qaar ka mid ah maxaabistii lugu soo qabtay dagaalkii bishii Maarso

Gaalkacyo (RBC Radio) Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa billowday Isniintii toddobadkii hore maxkamadeynta maxaabis al-Shabaab ah oo lugu qabtay dagaalladii bishii Maarso ka dhacay deegaannada xeebta ku yaalla ee gobollada Mudug iyo Nugaal,marka oo dagaal-yahanno lugu qiyaasay 500 ay weerar ku soo qaaden deegaannada Puntland.
Puntland ayaa guul ka gaartay dagaalka ay soo qaaden dagaallamayaasha al-Shabaab oo laga qabtay maxaabis gaaraya boqollaal,walow ay u badnaayeen dhallinyaro da’yar ah.
Xeer Ilaaliyaha guud ee Puntland, Maxamuud Xassan Aw Cismaan ayaa u sheegay warbaahinta in maxaabista la soo qabtay ay tiro ahaan gaarayaan 98 dagaal-yahan oo isagu jira carruur iyo rag waa weyn,waxuuna sheegay xilligan inay maxkamadeyn u billaabatay dagaal-yahannada dagaalka lugu soo qabtay kuwooda qaan-gaaray oo tiro ahaa gaaraya 45-maxbuud.
“Maxkamadeynta waxay u billaabatay 45 maxbuus oo dhammantod ah kuwa qaangaaray,”ayuu yiri xeer ilaaliyaha guud ee Puntland.
Madaxweynaha Puntland,Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo Arbacadii shalay khudbad ka jeediyay furitaanka kalfadhigii 37-aad ee baarlamaanka,waxuu sheegay guusha ugu weyn ee ammaanka laga gaaray inay tahay dagaalka ay soo qaaden boqollaal dagaal-yahan oo ka tirsan al-Shabaab,kuwaaso badi la dilay,la soo qabtay,tiro yarna ay baxsadeen.
Dagaalka ka dhacay bishii Maarso,waxuu ahaa duulaankii ugu horreeyay oo si toos ah usoo qaadan ururka al-Shabaab oo ku xooggan koonfurta iyo bartaha Soomaaliya.
__
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...